Daawo Sawirada:- Dhacdo Layaab iyo argagax leh oo ka dhacday Dalka Koonfur Afrika !!

Bulsha:- Ma garanayo sida ay u sameeyeen, laakiin waxaan hubaa inay ku bahoobeen hal nin iyo hal jacayl, waxay jeclaadeen nin Dabaal ah oo uur u yeelay Gabadh iyo Hooyadeed.

Waxaan ku mashquulsanaa Laptop-keyga xilliga aan arkayay Ciwaankaan naxdinta leh, “Gabadh iyo Hooyadeed oo hal asbuuc gudihiis u wada dhalay, hal nin”.

Markii hore waxay iila muuqatay Dhacdo xiiso leh, waxaanse yaqyaqsi dareemay markii aan guda galay akhrinteeda. Bal fiiri sida loo weriyay dhacdadaan.

Haweeney South African ah oo lagu magacaabo Mildred Mashego iyo gabadheeda Patricia ayaa galay Buugga Rikoorada kadib markii ay carruur u wada dhaleen, hal nin.

Wargeyska Times Live ayaa qoray in Hooyada weyn oo 38 jir ah ay ayadoo uur leh ogaatay in iyada iyo Gabadheeduba wadaagaan hal nin islamarkaana ay uur u wada leeyihiin.

Hooyadu way ka argagaxday qisadaan Walbahaarka badan ee ku habsatay Reerkooda, hase yeeshee waxay is-dejisay markii ay hal asbuuc wada dhaleen laba Wiilal oo marna Walaalo ah marna wiil iyo Abtigiis isugu aadan.

Vincent Malumane oo ah ninka sida caaqnimada ah u dhaqmay, ayaa qiray inuu dhalay carruurtaan Walaalidka iyo walaalahaba isku ah.

”Anigu dib uma laaban karo oo ma sharixi karo wixii dhacay, waxaysa ila tahay inaan xaqeejino ka warqabka iyo daryeelka carruurtaan” ayuu ku gaabsaday Vincent Malumane.

Hooyada iyo Gabadheeduba waxay ka welwelsan yihiin, waxa ay sanado ka bacdi u sheegi doonaan carruurtooda, gaar ahaan marka ay koraan.

Si kastoo ay ahaataba dhacdadaan ayaa noqotay mid lala yaabay oo gacmaha Afka u saartay dad badan oo ka xishoonaya inay arkaan Hooyo iyo Gabadheed oo wada sida Carruur walaalo ah oo uu ka dhalay Aabe Diin laawe ah.



Xigasho: nigeriacamera
Waxaa turjumay: C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya)
Cabdirisaaqsiiriya@gmail.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment