AQRISO:- Erayo Murti Jaceyl ah oo Sare u Qaadaya Xubiga Lamaanahaaga

Bulsha:- Waxaa i indhatiray jaceylkii aan kuu qabay mana awoodin inaan nafteyda ka difaaco qiyaanada.

Waan la yaabaa hadii aad iiga fekereyso qeyb ka mid ah sidaan kaaga fekeraayo.

Waxaan isku sheegaa inaanan ku tebin adiga oo aanan ku jecleyn,waxaana rajeeyaa maalin uun inaan aamini doono.

Wey ku dhaawacdaa inaad garwaaqsato dadka aad u heysato iney ku jecel yihiin inaaney weligoodba kuu jecleyn in la’eg inta aad u qabto adiga.

Marna kama laba labeyn inaan kuu sheego sidaan kaaga helay ee aad naftaan u xayirtay,laakin waxaan ka shalaayey inaan kaa maqlin waxa aad ii qabto,oo aad ku fekereyso.

Dabcan waxaa lagu badaa qalbi jab,derisna waad la noqon doontaa mowjadaha kelinimada iyo walbahaarka,laakin qeybka mid ah xanuunadaas waxaad ku noqotaa qof adag adag. wajihi karana caqabadaha nolosha ee ku horyaala.

Qalbigeyga iyo maskaxdu waxey ku dagaalamayaan inaan ku sii jeclaado iyo in kale,aniga waxaan ku lumay dhexdooda.

Waxaan u dagaalamay sidaanu jaceylkaagu u wiiqmin,laakin adiga waxaad igu cidleysay inaad daraftaada ka xajiso,waana intaas farqiga labadeena noo dhexeeya.

Marka uu jaceylku uu dhab yahay been leyskuma sheego,lama metelo ama sir leyskama qarsado.

Waxaan dareemayaan inaan dayacanahay aragtidaada la’aanteed,laakin la qabsiga kalsoonidarada waxey u baahan tahay waqti iyo adkeysi.

Sideen kugu iloobaa mar hadiiba aad xilli kasto maskaxdeyda ku dhex jirto? Sideenan kuu tebeyn hadii wax walbo aan u baahanahay dhankaaga soo jiraan?

Ma is weydiisay sababta aan kuu jeclahay maadaama aad xakamaha u heysid qalbigeyga?

lIlinta xaqiiqda ah maahan kan indhahaaga ka soo dhacda ee buuxisa wejigaaga,laakin waa tan ka soo dhacda qalbigaaga ee daboosha naftaada.

Jaceylkeyga aan kuu qabo wuxuu ahaa mid cad oo dhiigeyga oo dhami ku qoran.Jaceyl sidaas u xoogan ma noqon karo mid qaldama.wuxuu si joogta u dhex taagnaan doonaa xusuustaada.

Waxaan ku weydiiyey kumanaan mar,laakin beentaadu xad meysan laheyn.

Danahaaga gaarka ah ayaa iga kaa fogeeyey,adigoon tixgelin dhamaan farxadii aan heysanay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment