Bulsha:- Filimka sida weyn loo sugayo ee u nasab Sheegta Soo-Saaraha weyn Rohit shetty ee Dilwale ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo waqtiyadan sababo ay kamid yihiin kulanka Ajey Devgan iyo king Shahrukhan owgood.
Filimkaan oo ay sidoo kale ku jiraan amaba jilayaal ka yihiin xidigaha kala ah Varun Dhawan,Kriti Sanon iyo Waliba Xidigada Kajol aya waxa sido kale la filayaa inu kaso dhex muuqda Xidiga Ajey Devgan oo marna Rohit shetty ay saxiibo qaali ah yihiin marna Xaaska Kajol ah.
Filimkaam ayaa la filayaa inuu shaashadaha Caalamka soo fuulo 18ka Bisha December dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in labada Xidig ee Shahrukhan iyo Ajey kulamo dhawr ah ku yeesheen dalka Bulgaria mar ay hawlo shaqo u joogen waana arin runtii si weyn loo hadal hayo ila manta.
Mar ay saxaafadu Ajey wax ka weydiisay Arinkan ayuu yiri” Run ahaanti wan ogalahay inan la shaqeeyo qof kasta hadi muqal wanagsan oo an ku qanco laiso bandhigo”
Waa arin aad loola fajacay runtii oo waliba is weydiis mudan Yaa ku qanciyay Ajey inuu shashada kalaso muqdo Xidiga Shahrukhan ma Xaaskiisa Uu jecel yahay ee Kajol mise Saxiibkiisa Qaaliga ah Rohit shetty? si kastaba ha noqotee waa Filim Aad u xiiso badan maadama laba Xidig oo an wali laisku arag ay ku kulmi donan filimkan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment