Wax kabaro Maahmaahyo cusub oo jacaylka ku saabsan

Bulsha:-  Halkan Waxa aan idiinku soo gudbin doonaaa ilaaa 20 maahmaahood oo dhamaantood ku qotoma jacey. Waa maahmaahyo suugaanta soomaaliyeed ku soo biiray maantay oo ah maalinimo qamiis ah, taariiqduna aay abaareyso 2-6-201. Waxa aan ugu talo galay maahmaahyadan jaceylka ka hadlaya in ay ka faaideystaan mucaashaqiinta soomaliyeed.

Runtii maahmaahyadan si fudud ayaan kadhigay si qof weliba ugarto, balse macno dheer ayey ku fadhiyaaan ruuxii dib umilicsado.  Hadaan maamaahyada mid kamid ah aan dib umilicsado aan soo bandhigo macnaha aay xambaarsantahay maahmaahda ah “jaceylkan cusub jaahiliintu uroonyahay” waad fahantay macnaha, balse aan milicsado maahmaahda waxey ku qotonto.

Waayahan danbe dunida jaceylkii hore waa dhalan rogmay. Waxaa dhaceysa -labo ruux oo mudo is jeclaaaa – in nin wadamada reer galbeedka ka yimid lagu darro gabar Africa joogto, gabadhaaa lagu darayana waxey xiriir adag la leedahay inan aay isku meel joogaan. Iyadoo tixgelineyso go’aanka waalidiinteed ayey aqbaleysaa guurkii.

Ninki ayaa Africa ka imanayo, waxey usheegeysaa in xiriir iyo axdi jaceyl ay hore u soo gashay, misana dhag uma dhigayo hadalka, waanu guursanayaaa. Marka qofkaas waa jaahil jaceylkeeda tix gelin waayay. siddeeda ku guursaday. Wuxa uu u fiirsaday dantiisa, waxa xanuun dareemayo lamaanihii is jeclaa, wax dan ahna jaceylka uguma jirto. Sidaa darted ayaan ku curiyay maahmaahdan ah “jaceylkan Cusub Jaahiliintuu Uroonyahay”

Aqristoow waa kuwan maahmaahyadii cusbaa ee ka bogo.

1: Daaro ladhisiyo in yurub laga dagaa jaceyl laguma doon doono.

2: Farxad jaceyl iyo murugo caashaq waa is daba gurguurtaan.

3: Jahli iyo jaceyl ileyn looma jiifto.

4: Jaceyl lagaa janjeersaday jug laguma doondoono.

5: Jaceylkan cusub jaahiliintuu uroontahay.

6: Jaceylkii kululaa ku galmaa loo rogay.

7: Jaceylku hadii uu hadlo haada maxkamadeed horaan buu calaf & dad la tiigsan lahaa.

8: Jaceyl kaa janjeero hanti laguma soo jiito.

9: Jug jaceyl nimeey gaartay jeenankiisu waa jowharadiiisa.

10: Jaceyl wadajir loo curiyay calankiisu adagaa.

11: Axdigii hore dhalanteedkii danbaa tirtiray.

12: Jaceyl faqiir laasimay kan taajirka ka kulul.

13: Eed jaceyl ileyn lamaanaha kama dhamaato.

14: Ruux mudo la eeganayay hadad yurub urarato raasumaalkaaga danbe reys maleh.

15: Talo hadeey kaa wareerto tahliil baa latuftaaaa.

16: Sahal kuma go’o jaceyl sadriga yuurarsaday.

17: Saasaanta jaceylka sida udgoonka qaanso roobaad.

18: Ruux la sagootiyay samir jaceyl sad uma aha.

19: Nabsi jacyl naruuuraduu kaa jaraaaa.

20: Waqtiga waakan isdaba yaaal jaceylna waa kan daba weecsan.

21: Sikasta oo looqoslaa saliga lagama dhaco.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment