Tilmaamahaan Haweeneyda Leh Ragga Oo Idil Ayaa U Waasha

Bulsha:- Ma jiro nin ama gabar dadaal u galaya in ay bur buriyaan xariirkooda qoyska , dhan waliba waxa uu waqti ku bixiyaa in uu dhiso qoys is haysta balse waxaa jira haween aysan ragga ka maarmin waxa ayna ku soo koobeysaa qeybtaan

Midda Hooyada Ah : ma aha midda kaliya caruurta dhasha , basle waa midda dareeysha caruurteeda dhan waliba , muuqaalkooda , caafimaadkooda iyo wax barashadooda dhab ahaan ragga midda noocan ah waa ay ku dhagaan .

Midda Gurigeeda Joogta : ragga waa ay ka helaan haweeneyda ku adkeysata in ay gurigeeda joogto xittaa haddii odayga ay is qilaafaan , waayo joogitaankeeda waxa ay tahay fursad weyn oo uu ku raali gilin karo , balse midda ku deg degta in ay ehelkeeda ama ehelka ninka aado taasi waxa ay ninka ku keeneysaa kaliya madax adeeg waxaana laga yaabaa in ay wiiqdo fursaddii isu soo laabashada.

Jaceylkii Waayo-waayo : haweeneyda uu ninka ku soo guursado jaceyl waqti soo jiimamayay waa ay adag tahay in gacantiisa ay ka baxdo .

Midda Sirta Qarisa : waa midda sirtiisa ilaalisa mana aha midda ku deg degta taleefanka haddii dhib yar uu jiro oo uga sheekeyneysa hooyadeed ama saaxibteeda , waa midda qarisa haddii ay ceeb ku aragto ninkeeda iskuna dayda in ay saxdo .

Midda Dabirka Leh : middaan ragbadan ayaa ku duceysta ,,,waayo caqli ayay ku maamushaa waxii uu ninkeeda u soo helay oo waxa ay ninka u tahay wasiirada maaliyadda , xittaa haddii cariiri dhanka nolosha ah timaado iyada ayaa wax isku jacburisa .






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment