Bulsha:- Preity Zinta oo ka mid ah atariishooyinka ugu taageerada badan adduunka siiba dalkeena soomaaliya waa gabar sidee ah mase ogtahay mise ka war haysaa taariikhdeedii hore iyo halka ay hadda mareeso. Preity Zinta waxey dhalatay 31 Janaayo 1975, waxayna ku dhalatay deegaanka Simla, India, Aabaheed Durganand Zinta waxuu ka tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka India waxa uuna dhintay iyadoo jirto 13 sano,waxuu ku dhintay shil baabuur iyadoo isla shilkaasina ay hooyadeed maskaxda wax ugu soo gaareen.
Preity waxey baratay cilmi nafsiga qeybta dambiyada (Criminal psychology) iyadoo garan karta qofkii dambi gaysta hadii ay waryesato ama indhahiisa fiiriso kaliya, laakiin waxy ka jeclaatay aflaamta, waxeyna markii ay yareyd jecleyd waxbrashada iyo suugaanta iyadoo aqrisan jirtay gabayada abwaanak Ingiriiska ah ee lagu magacaabo William Shakespeare markii ay firaaqo heshana waxey jecleyd ciyaaraha gaar ahaan kubadda kolleyga ee basketballka. Preity Zinta oo ku sugan mahrajanka Cannes,Waxaa la dhashay Preity 2 wiil mid waxuu ka weynyahay hal sano Deepanker Zinta midka kalana
waxoo ka yaryahay hal sano Manish Zinta.Walaalaheed mid ka mid ah waxuu ka mid yahay komishanarada ciidanka india.midka kalana waa qoraa u shaqeeya BBC South Asia,waxa uuna qoray qoraalo badan oo uu u qoray BBC South Asia. Waxaa lagu Naaneesaa Preity Zinta Gabadhii dhabanada Dalooshay, iyo Preetam Singh waxaana markii ugu horeeysay ay ogaatay inay filin sameyn karto ay aheyd iyadoo maalin soo raacday gabar saaxiibteed aheyd oo filin jileysay waxaana halkaasi kula kulmay Preity iyadoo iska daawaneyso soo saaraha filimada ninka ah ee lagu magacaabo Shekhar Kapur waxuuna ka codsaday inay matali karto oo jili karto qeyb yar oo markaas atriishadii jileysay ay ku wareersaneyn taasoo ay Preity tiri haa waan jili karaa iyadoo markiiba isku dayday Balse kaga fiicnaatay gabadhii kale iyadoo markiiba uukula taliyay Soo saarahaan inay Preity noqoto atriisho maadaama ah u qalanto.
Preity filinkeeda ugu horeeyay waxa uu ahaa DIL SE oo ay qeyb ka tahay,inkastoo aysan eheyn filinkaas atariishadeeda,filinkaas waxa uu noqday HIT,waxaa ugu xigay filinkeedii kale ee isla sanadkaas ahaay 1998dii ee SOLDIER,filimkaas asagana waxa uu noqday filim HIT ah. Preity waxii ka horeeyay labadaas filim waxeyeheed fashiyooniiste ama dumarka dharka xayeysiiya waxeyna sameeysay iidhehyo badan.Si kastaba ha ahaatee markee soo saartay labadaas filim ayaa directorka wayn ee lagu magacaabo Kundan Shah waxa uu usoo bandhigay inee noqoto atariishada filimka KYA KEHNA sanadka markuu ahaay 2000. Inkastoo filimkaas KYA KEHNA ay horay u jishay Preity laakiinse waxaa la soo saaray filimkaas sanadkii 2000,waxa uu noqdayne filimkii ugu cajiibka badnaa sanadkaas. Waxa ay ka bacdi jishay filimaan ay ka mid yihiin filimaanta suuqa aflaamta uu ka yaabay oo ay qosolkeeda iyo jilitaankeeda dabiiciga ah oo ay u dhalatay ay uga yaabsatay dad badan oo suuqa aflaamta ku jiro,filimaantaasoo ay ka mid yihiin Dil Chahta Hai (2001), iyo Dil Hai Tumhaara (2002). Iyo sidoo kale Chori Chori Chupke Chupke oo ay wada jileen jilaaga Salman Khan. Preity waxaa loo aqoonsaday atariisho jilitaankeeda xiiso gooni leh .Ayadoo suuqa aflaamta Bollywood ay ka yaabanyihiin ayee waxee la jishay oo ay heshiis la saxiixday Rakesh Roshan..Koi Mil Gaya(2003) lana waday ‘Hrithik Roshan’ waxee isla sanadkaas la jishay Shah Rukh Khan iyo Saif Ali Khan filimkii Kal Ho Naa Ho (2003) kaasoo ay ku qaadatay abaalmarinta Atriishada sanadkaas ee Filmfare Best Actress, waxaa ugu xigay filin kaloo ay la jishay Hrithik Roshan iyo Amitabh Bachchan, Lakshya (2004), isila sanadkaas waxee la jishay Salman Khan filimkii Dil Ne Jise Apna Kaha (2004),waxaa kaloo jiray filimkii jaceylka ahaa ee VeerZaara (2004) oo ay la jileen Shah Rukh Khan iyo Rani Mukherjee, haddana sanadkii xigay waxee la keentay Saif Ali Khan filimkii ahaay Salaam Namaste (2005tii), waxee markale la keentay Shah Rukh Khan,Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan iyo Rani Mukherjee, filimkii Karan Johar Kabhi Alvida Naa Kehna (2006). Dhanka xeriirka waxaa la sheegaa Preity inay tahay qof dabeecad oo soo jiidata jilaayaasha aflaamta la dhiga waxaana ay iska heleen jilaaga harka xayaysiiya ee mark
Robinson balse waxay jacayl rasmi ah wadeen ninka lagu mabacaabi ness wadia oo ah ganacsade asal ahaan ka soo jeeda pakistan waxayna wada socdeen sanadkii 2005 ilaa 2009 ,waxaa kalew oo wadia shirka kula yahay preity kooxda cricket ka ee lagu p magacaabo Kings XI Punjabi. Balse Haatan Preity waxey sheegtay inay tahay qof madax banana oo raadinaysa ninkii mustaqbalkeeda ay ku raaxeysan laheyd Isku soo wada duub warkoo Preity Zinta waxa ay ku guuleesatay inay qalbiga ka dagdo dad waynaha fiirsado aflaamta Bollywood gaar ahaan umadda soomaaliyeed oo taageero aad u wayn u haayo. Preity saaxiibadeed ugu waa wayn ay ku leedahay Bollywoodka ayaa waxaa ka mid Shah Rukh Khan iyo xaaskiisa Gauri Khan,Abhishek Bachchan, Bobby Deol, Aishwarya Rai iyo Saif Ali Khan. Saaxiibada ay iskugu dhowyihiin Preity ayaa ah jilaaga wayn ee Hrithik Roshan iyo xaaskiisa ‘Suzanne Khan . Preity iyo Saif Ali Khan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment