Bulsha:- Qoraal aan la yaabay oo ay soo saareen koox baarayaal ah ayaa lagu sheegay in Galmada ay kaba bilaabato Salaanta ayadoona salaanta la sheegay in ay tahay mariinka ugu horeeye ee sababa in goobta ay soo xaadirto dareen waana mida ku kaliftay kooxdaaan in ay daraasad ka sameeyaan.
David Morei oo ah ninka ugu sareeya Jaamacada Berlin dhanka search-ka ama baaritaanada oo la hadlay TV-ga ABC ee dalka Mareekanka ayaa sheegay in dareenka koobaad uu yahay mid ka bilowda dhanka salaanta ayadoona uu hoosta ka xariqay in haweenka qaarkood ay aad u jecelyihiin in ay salaamaan maalin walba qofka ay is leeyihiinw aa shidihii dareenkaaga taa oo ay daraasadu ay sheegtay in haweenka ay ka kow tahay ama ay aad u jecelyihiin salaanta badan.
Salaanta oo ka mid ah waxyaabaha aadka u soo laa-laabta maalin walba ayay dadka qaarkood aad u jecleen sababo u gaar haba ugu horeysee dhanka dareenka, waxaana jira shucuub badan oo aduunka ku nool oo aan jecleen in ay haweenka salaamaan diintooda oo u diida sida Islam-ka oo kale iyo ayagoo dareenkooda u baqa sida Qaarada Asia oo kale oo la sheego in ay yihiin dadka ugu dareenka ama kacsiga badan aduunkaan aan ku noolnahay.
Daraasada ayaa ugu danbeyntii lagu sheegay in dareenkaasi laga ogaan karo haweenka muuqaalka cajiibka leh ee ka muuqanaya marka aad salaanto Indhaha haweeneeda oo ah halka uu ka bilowdo dareenka ama kacsiga oo ugu danbeyntii u sii dagaandago dhanka hoose oo ah halka sarta ay ka qurantay ee dhibka iyo dheefta laga helo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment