Saaxiibeey Ila Tali lee Miyaad wax ka taqaanaa ! (Warbixin cajiib ah)

Bulsha:- Sida aynu ognahay gabdho badan ayaa waxay sameeyaan la tashiyo ay la tashanayaan asxaabtooda qaasatan marka qilaaf soo kala dhexgalo iyaga iyo nimankooda ayagoo isla markiiba la boodaya tellka isla markaana u sheegaya qilaaf kan ugu hooseeya aygoo xujo ka dhiganaya waan la tashanaynaa ama waxaan samaynaynaa (fadfad) .

sida dhacda badanaa saaxiibada waxaa ku jira kuwo aragti gaaban oo arrinta ka fiiriya meel dhow isla mar ahaantiina aysan ka baaraan degin xallinta mushkiladaha aragtiyo gaabana ku cabira xalkooda .

gabadha caaqilada ah waa tan ayada xallisa mushkiladaha qoys ahaaneed ayadoo adeegsaneysa qibradeeda iyo waaya aragnimadeeda ,

haddii maanta qoysas badani laga deyn lahaa faragelinta arimahooda qoysas badan ayaa dhisnaan lahaa, saddexeeye wax fasahaadin mooyee wax ma hagaajiyo ‘

waxaa lagayaabaa gabadha saaxiibtaa ah talada gurracan ee ay ku siineyso ayba is leedahay wax hagaajiyoo saaxiibtaa u hiili.

Wuxuu yidhi cuthmaan binu cadhaa;-

Wuxuu ahaa abuu muslim khowlaani markuu soo galo guriga wuxuu salaami jiray xaaskiisa ,markuu soo gaaro bartamaha dart awuu takbiirsan jiray markaasay xaaskiisa takbiirsan jirtay .

Habeen ka mid ah habeenada ayuu soo galay gurigiisa wuu slaamay wax ka qaaday ma lahan .wuu takbiirsaday wax u jawaabay ma lahan .

Wuxuu soo galay gurigiisa wuxuu arkay xaaskiisa oo tiir dhulka ku qotomisay shamacna uu u shidan yahay ,markaasuu yidhi ;maxaa dhacay ?

Markaasay tidhi; waxaad tahay abuu muslim ayadoo ula jeedda faqiir baad tahay

Dadkoo dhamina qeyr ayay ku jiraan . hadaad mucaawiye u tagi lahayd wax aan cuno iyo khaadim ayuu na soo siin lahaa .

Markaasuu abuu muslim yidhi allow ruuxii xaaskayga iga fasahaadiyay indhaha tir markasaa habaarkiisii asiibay oo ay indha beeshay ;

Walaasahay jowharadda ahay xitaa abuu muslim kama nabadgalin ;

Walaashay iska ilaali kuwa jecel inay kaala sheekeystaan arimaha qaas ahaaneed, waxaa maanta bulshadii ku soo badatay kuwo xitaa ka hadlaya arimah ka dhaca qolka jiifka ayagoo wax walba oo ka dhaco saqiir iyo kabiir ka sheekeeya ciyaada billaahi sida kuwo la wareega gabadhana gudani dareen ma lahan subxaanallaah;;

Tallow kuwaasi ma sittelite ayay sariiraha dadka ku xidheen oo ay ka daawadaan .

Walaashayda qaalig ahay waxaan kugula talinayaa inaad iska ilaaliso ka sheekeynta wixii idin dhexmaray adiga iyo sowjkaaga hadiyadaha uu kuu keeny meelah aad aadeen waayo waxaa laga yaabaa in lagu xaasido kadibna ay ku asiibto ishooda .

QISADII DEEQA IYO SAAXIIBTEED

Waa saq dhexe waxaa yeeray jaraskii tellka deeqa ayaa so o kacday ayadoo niyadda iska leh tallow waa ayo ruuxa saacadan soo diray

Deeqa;hallo waayo

Aamino;haa deeqay ii waran.

Deeqa:mayee kii(waa ninkeeda) ayaan la yaabay habeen walba markuu yimaado isagoon ila hadlin ayuu seexdaa go’na madaxa iyo majaha isaga duubaa;

Aamina; bisinka naa ma naag buu kula guursaday;

Deeqa;wallaahay ma ogi

Aamina;naa I maqal hadda soo ma jiifo intaad aayar ugu gashid mobelkisa ka soo qaad ka dibna fiiri numberada la diray;

Deeqa qolkii ayay galeysaa ka dibna waxay arkaysaa in numberka la diray iyo kan la soo dirayba ay yihiin magacyo la soo gaabiyay;

Waxay u wacaysaa aamina

Deeqa; haa aamino kulli waa magacyo la soo gaabiyay oo ah M.A

Aamino; naa wax la qariyo qurunaa ku jiro maxaa loo soo gaabiyay waa maryan axmed ama malyuun aadan’

Deeqa ;hadda maxaan sameeyaa

Aamina;naa runta farta ka saar wixii dhacaya ha dhaceen muxuu kumooday uf

Maskiintii deeqa taladii la siiyay waa taas waxaa laga yaabaa inuu gurigii sidaa ku burburo maskiin alfa maskiin’

SUCAAD IYO SAAXIIBTEED LEYLA

Waa saq dhexe waxaa yeerey jaraskii tellka sucaad ayaa qabatay

Sucaad;hallo

Leyla; haa sucaadeey ii waran

Sucaad;kheyr insha allah goor dambe ayaad ila soo xiriirtaye

Leyla;ilyaas ma aqaan maalmahan waxa ku dhacay

Sucaad;sheydaanka iska naar macaanto wax dhib ah ma jiraan maxaad dareentay abaayo

Leyla; mayee sucaadeey habeen walba wuu iska seexdaa wax dan ah igama lahan

Sucaad; ha odhan sidaa waxaa laga yaabaa in meel laga hayssto amauu xanuunsan yahay

Ma weydiisay;

Leyla: maxaan weydiiyaa waxaan u maleyni inu naag ila guursaday;

Sucaad; afar baa allah u baneeyay adigu waajibkaaga ka soo bax ;

Leyla ;saaxiibey ma sidaas baad I leedahay

Sucaad; waan kula talinayaa leylaay waa inaad adeegsataa fanka dumarnimadaada qaaliyay waan ka xumahay inaad sidan sameyso

Hadda u tag weydii waxa helay iyo meesha laga heysto mar dambana ha u noqon ficilkan oo kale miyaad garan weyday inaad la socoto xaalada sowjkaaga istaag hadda labiso is carfi si kalgacal ahna u weydii waxa helay

Leyla way soo baxaysaa waxay soo galaysaa qolkii jiifka iyadoo carafta ka soo haadeysa xaafadii oo dhan laga urinaayo si taxadar ah ayay sariirta ugu fadhisatay maradii ayay ka feyday mise qandhada heysa iyo kulka ka baxaayo waad la yaabi ‘

Illin ayaa ka soo daadatay markay aragtay xanuunka hay si naxariis leh ayaey madaxa ooga taabatay qabowgii gacanteeda ayuu ku kacay markaasuu taah dhoola caddeyni ku jirto u muujiyay wuxuu u sheegay in habeenahanba uu xanuun dareemayo ,

Maskiin alfa maskiin

Aqristow waad fahamtay ayaan u maleynayaa faraqa u dhaxeeya saaxiibka wanaagsan iyo kan xun; hadaba aan ku dadaalno sidaan sucaad oo kale saaxiib uga dhigan laheyn







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment