Bulsha:- Gabar ka cabaneeso ninkeeda oo na soo gaarsiisay warqad murugo leh, gabadhaan ayaa ka cabaneeso dhibaaatooyin badan ay ku qabto ninkeeda, gabadhaan uu ku sugan dalka Sweden magaceeda ku soo koobtay Sacdiyo lafoole, warqadeeda cabashada sidaan ayee u qorneed ka bogosho wacan.
Ninka i qabo awal inta aan guursan waxaan islahaa waxaad ka heli doontaa farxad iyo damaashaad, waxaan jeclaa in aan la wadaago nolosha, waxaan aad u doonayaan guurkeena in uu dhaco, dadaal kadib waxaa suurta gashay in aan is calfano oo ah sida aan aniga rabay, balsa farxada waxay luntay markii aan guursaday sida aan maleenayay.
waxaan waayay waqti uu ila qaato, ninka wuxuu noqday nin iska dhiga mashquul, qiimaha aan hore ulahaa ama guurka ka hor wuxuu ah mid heer sare ah balsa waxaas oo dhan waxay lumeen guurka kadib.
is fahamkeena ayaa aad u xumaaday wuxuu la soo baxay qeylo iyo canaan iyo in uu igu qabsado wax aan micno laheen, sabar iyo dulqaad ayaan ku soo gaaray.
sanad inaga oo aan is qabin ayuu iga aaday Africa isag oo i dhahaya Sweden malahan shaqo xaga ayaan aadayaa hadii ay tahay meel aan uwada guuri karno waan soo qiimeenayaa, waan ku qancay ilaa maalinkaas ilaa hada dib uma soo noqon waxaa ka soo wareegtay 2 sano.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment