Bulsha:- Hadimada jaceylka ee lagu dhaco waa fikrad qancisa gabar waliba oo haweenka aad ayay u jecel yihiin jaceylka iyo Romantic in ka badan ragga .
Inkastoo farqi uu u dhaxeeyo jaceylka ninka iyo gabarta ee ku aadan dhanka muujinta hadana haweenka habab gaar ah ayay ku muujiyaan jaceylka .
1- U Muujinta Jaceylka Hab Run Ah : qaarkood wax ay sameeynayaan ayay ku muujiyaan dareemaha jaceylka
2- Ku Muujinta Qaab Hadal Ah : noocaan waa kuwo ku fiican hadalada Romantic ah ee soo jiidashada leh ee ay inta badan ragga jecel yihiin
Balse dhibaatada jirta jaceylkaas hadal uun ayuu kooban yahay oo ay uga gon leedahay in ninka jaceyl ku farxad giliso hadal macaan xilli aadan ka haleyn hadaladeeda wax balan ama fulin ah , balse ceeb ma aha waa iyada sida ay u aragto waxa ay isku dayaysaa in fariinteeda jaceyl habkaas ku gudbiso xilli ay ku fashilmeyso fulinteeda .
3- Ku Muujinta Hab Maseer Iyo Shaki Ah : habkaan qaab aan ujeedo aheyn ayay uga timaadaa haweenka oo rabitaankeeda ka banaanka ah, jaceylkaas raaxo malaha waayo waxa ay had iyo jeer ay ka fikireysaa sidii gacaliyaheeda uga ilaalin laheyd gabdhaha kale .
4- Ku Muujinta Hab Wax Bixin Ah , Xilli Iyada Taas Oo Kale Aysan Filinayen : waxaa jira gabdho ka hela fikirka ah in gacaliyahooda wax siiyaan halka iyana taasi badalkeeda sugeyn, waxa ay jaceylka u arkaan naf hurid iyo qancinta xabiibka , aad ayayna ugu raaxeystaan wax bixinta .
5- Ku Muujinta Hab Ah In Ninka La Haysto U Noqdo :waxaa jira haween jecel in ninka si waliba uu la haysto ugu noqdo balse isku daydadaas fashil ayay ku dhamaadaan
Ogoow wacdaraha waxa ay ku leedahay jaceylka waa uu ka soo horjeedaa fikirka ah xoriyad iska qaadka
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment