Ma Ogtahay In Gabdhaha Soomaaliyeed ay Aad u Necebyihiin Wiilasha Leh Sifooyinka Nuucaan ah

Bulsha:- Hablaha oo neceb ragga leh sifooyinka Dhaayaha Online ay hoos ku xusayso Qof kasta noola ah Alle wuxu siiyay maskax uu kula soocdo waxa isaga dan u ah iyo waxa aan dani ugu jirin, mudooyinkii dambe waxa soo if baxay in dumarka ay ka taxadar badan yihiin ragga kadib markii ay kumanaan dumar ahi si aan ka fiirsasho lahayn ay u guur sadeen ragg kala dabeecad iyo kala dhaqan duwan, taas oo keentay in ay dumar badani dhibaato kala kulmaan noloshooda ugu danbayna la furay. Hadaba qaladaadkaa badan ee dhacay ayaa keenay in dumar badani ay qaataan talaabooyin adag oo ay kaga foojigan yihiin ragga qaarkii, waxana kamid ah:

1.Nimanka leh balwada:

inta badan ragga leh balwada dumur kooda cabasho aad u badan ayay ka keenaan taas oo sabab ka dhigtay in haween badani ka feejignaadaan ragga balwada leh, ceebaha ugu wayn raggan leh balwada qaabkani qaadka iyo sigaarku ku jiro ayaa la sheegay in ay cadho badan yihiin dulqaadkuna uu aad ugu yarayahay, mar marka qaarna uu miyir doorsanyahay, iyaga oo aan kala saarin karin waxa ahmiyada u leh nolosha lamaanaha ahaato mida guriga iyo mid kaleba.

Ragga gacanta fudud:
ragga sifidan leh inta badan dumarku ma xiiseeyaan mana jecla, haweenaydu waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanaayo ama loo adeegsaday awood, waxana dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula noolayd lamaanaheeda iyada oo dib ugu soo noqota ehelkeeda, cadhadaas ayaa keentay in ay haween badani u dhaga taagaan sababaha ku kalifay in dumar ka soo yaacaan nimankii qabay, waxay noqotay sifadaan sifoooyinka ay aad uga fikiraan gabdhaha aan wali la guursan, inta badan iska hubiya nimanka dabcigaas qalaf san leh.

Ragga dumarka badan:
dabciga dumarka ayaa ah mid ka sameesan in nimanka ay xidiidhka la leeyiihiin aanay noqon qaar xidhiidh la leh dumar kale, inta badan dumarku ma aaminaan ragga naagaha badan xidhiidhka la wadaaga, dhanka kale waxay sheegaan in ninku marka uu dumar badan la socodo aanu lahayn wax balan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u keenta dumarka niyad jab iyo walaac, taas oo sababtay in haween badani in ay ka dheeraadaan nimanka sheekada badan.

Ragga ad adag ama naxaiirsta daran
way adagtahay ragga dabcigan leh in ay la wareegaan ama hantiyaan lamaanaha kale qalbigiisa, ragga is xidhxidha ama aaminsan in dumarka aan la tusin waji furan.  dumarka xiligan jira waxay ku daraan ragga noocaas ah liiska madow ee aan marna soo galin dookha ay xiiseeyaan dumarka, badanaa raggan ad adag waxa ku dhaca in ay guurka ka ragaan maadaama ay adagtahay dookh lagu qaataa. inta badan dumarku waxay aad u xiiseeyaan nimanka hadalka la wadaaga hadalka ee siiya fursad ay ra’yi ku dhiiban karto, ee u tusa in ay awood leedahay.

Ragga isla wayn:
dumarka waxay u arkaan nimanka islwaynidau ku jirto in ay yihiin niman qadarin aan lahayn oo marna aan eraygeeda ama taladeeda wax kasoo qaadayn laakiin waxa ay la hayaan ragga niyada u dhisa xitaa hadii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku salaysan ugu sheega.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment