HAWEENEEY NINKEEDA KA CODASATAY IN U MAALINTII 3 JEER UGALMOODO HADDII KALE UU MADAXEEDA SIIYO.

Bulsha:- Wada noolaanshiyaha labada lamaane ayaa mararka qaar waxaa ku timaada carqalad dhica gogosha ah taasi oo sabab u noqoto buuq iyo isqabqabsi soo wajaha qoyskaasi.

Waxa ay arinkaani ku xeran tahay Dareenada hormoonka sida loogu kale badan yahay, sida lasoo gudboonatay nin iyo xaaskiisa ku waasi oo ku nool mid ka mid ah wadamada Bariga dhexe.

Xuquuda Sawirka (C) thinkstockphotos

Sida uu daabacay wargeyska Gulfnews.com, ayaa waxaa lagu sheegay haweeney nikeeda ka dalbatay furiin waayo waxa uu buuxin waayay baahideeda galmo oo aheyd in maalintiiba uu 3-jeer u galmoodo halka uu ninka awoodo in u xaaskiisa u galmood 4-jeer todobaadii, taasi oo ninka dhinaciisa ku adkaatay in shuruudaha xaaskiisa uu buuxiyo, kaleduwanaashiyaha rabitaanka galmo ee qoyskaani ayaa waxa ay sabab u noqotay in ay buuq badani abuurto oo ay gaarto ilaa heer maxkamadeed.

Maxkamada oo si taxadar ah u eegeysa kiiskan ayaa waxa ay inanta kula taliyeen in ay arrinka furiinka

ay dib u dhigto, halka ay usoo jeediyeen in lamaanaha 2-doodaba ay aadan dokhtar ku taqasusay howlahan si baaritaan ugu sameeyo.

Inkastoo, ay haweeneydaasi ku gacanseertay in ayada aado wax dhakhtar ah si baaritaan loogu sameeyo, “haddii wax baaritaan caafimaad  ah lasameeynayo waxa aadaya waa isaga kaliya.” ayay diidmadeeda sii raacisay xili ay fadhisay gudaha maxmakda.

Ugu danbeytiina maxkamada ayaa waxa ay ku soo gabagabeeysay iyadoo tixgalineeyso codsiga haweneeyda oo ahaa in ninka uu dhaqtar aado si uu baaritaan caafimaad u maro wixii kasoo baxana baaritaasi dib loo eego.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment