Bulsha:- Waxaa jira ninyahoow arimo badan oo ay haboon tahay in aad wax ka ogaato ka hor inta aadan guur sameyn oo aad il gaar ah isaga yeelato haweenka tilmaamahaan leh .
Haweeneyda U Dhaqanta Sida In Ay Nin Tahay : haweeneyda waxa ay ku qurux badan tahay haweenimadeeda ogoow ragga kama helaan haweenka jecel in ay sameeyaan wax waliba oo ninka uu sameeyo oo qaabka ay u dhaqmeyso aad moodo in ay nintahay
Midda Madaxa Adag : waa mid mar waliba isku dayda in ninkeeda ku qanciso afkaaro qaldan , waa mid aan aqoon mahad celinta oo ay adag tahay in la qanciyo.
Midda Neerfoosaha Ah : waa mid xanaaqeeda dhaw yahay wax yar ayay hawada ku galeysaa , waa mid marka ay xaanaqdo dharkeeda ku qamaameysa iyo in wajiga iska dharbaaxdo isla markaana nasiibkeeda wax ka sheegeysaa gaaloos.com waxa ay ku leedahay haddii nin aad u dul qaad badan tahay oo awooda in uu dajiyo dhib kuma jirto in aad wax la wadaagto midda tilmaamahaan leh .
Midda Diinta Yar : waa mid aan dan ka laheyn arimaha diinta , waxa ay soo bandhigtaa quruxdeeda oo bananka ayay keenya, ragga ayay u qososhaa haddii la wacdiyana waxa ay ku leedahay Iimaanka Qalbiga ayuu jiraa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment