Guur maka rabtaa Xiriirka noloshaada haka dheeraan taladeena -Sirta nolosha.

Bulsha:- Waxaa jiraan xaalado gaar ah oo aad xaaskaaga uga dhigi karto iney tahay qof qaas ah,islamarkaana aad ku koolkoolin karta si aad u kasbato naxariisteeda,habka ugu wanaagsan ee aad ku tusi karto iney tahay qofkaas ah, Haweeney kasto waxey leedahay wax iyada ay ka hesho ama aaney ka helin,laakin waxaan kuu heynaa habab guud kaasoo qofwalbo uu ku xamaasadgelin karo xaaska aad jeceshahay.

U sharax dareenkaaga

Wax dhib ah malahan sida aad u jeceshahay iyo taageerada aad u heyso naagta aad jeceshahay hab qarsoon,laakin haween looma qancin karo in ka dheer si aanan loo cabirin.
Wadada ugu wanaagsan oo aad ugu caddeyn karto hadal ahaan ama waad u qori kartaa warqad yar oo gaaban oo jaceyl aj si aad u tusto jaceylkaaga.

Waxaad kale xitaa sawirankartaa kaar islamarkaana waxaad ugu xardhi kartaa dareenkaagaa ereyo qalbiga jilcin karka.

Sii waqti iyo arimo ay kula wadaagto

La wadaag waqti tayo leh gacalisadaada, haweenku wey jantaan iney helaan dareenka aan kala qeybi Karin,La qeybso xiisaheeda,dareensiina in xilli walbo aad farxad siin karto.

Dhageyso adigoon aanan ku sameyneyn wax ka dhexgalid ah,weyna ku ixtiraami doontaa,islamarkaana ku fahmi doonaa.

Ka dhaqaaji Tvga iyo Mobileka si aanu hakad kaaga helin inaad wax walbo aad fariintaada si sahlan ugu gudbiso.
Xarakaad yar yar uga dhig maalinteeda,kana fogeey xiriirada dhibaatooyinka leh ee noloshaada soo maray.

Qorsheey maalmaha nasashada

U kexeey meel ay jeceshahay iney aado, sii hawo uguna deeq iney ilowdo howlmaalmeedyadeedii maskaxda ka mashquuliyey,waa hanaanka aad uga dhigi karto qof qanacsan.

Xusuusnoow maalmaha muhiimka u ah.

naad Xusuusnaato sanadguurooyinka dhalasha gacalisadaada waxey ka dhigeysaa iney dareento mid gaar ah,waxeyna dareemeysaa in si gaar ah looga fekero oo la daneynaayo.

La saaxiib qoyskeeda iyo asaxaabteeda.

Hadii aad ka agdhawaato qoyskeeda iyo saaxiibada gacalisadaada waxaad ku kasban kartaa iney si gaar ah kuu xushmeyso,maadaama aad u muujisay inaad tahay qof wax cad wata.

Noqo qof taageero ula garab taagan gacalisadaada,hilmaamsii maalmaha murugada iyo dhibaatooyinka,hana ku eedeyn culeysyada nolosheeda ku soo kordha.

Ha siin amaro,laakin noqo marwalba mid la tashta xaaskiisa arimaha idiin quseeya labadiinaba,qaado fikradeeda meelo badan oo la xiriira mihnadeeda,shaqadeeda,cafimaadkeeda iyo arima kale.

Weydii iney kaala qeybqaadato soojeedinteeda hababka shaqooyin la mid ah.

Niman badan ma jecla iney gacmaha la galaan howlaha guriga amaba waa ay ka faanaan,marka ay arkaan nin xaaskiisa howlaha guriga la qabanaayaan waa lagu caayaa,laakin aqriste ma ogtahay inaad xaaskaaga ka garabsiiso mashquulka howlaha guriga iney ka helo jaceyl badan iyo naxariis,

Haweenka aad ayey uga helaan ninka ay xiriirka leeyihiin marka uu sawirkeda shaashada hore ee mobilekiisa saaran tahay,waxeyna siisaa amaan,maadaama uusan cidna kala gambaneyn rabitaankeeda,islamarkaana waxaa ka dhalata kalsooni iyo ififaalo wanaagsan, talaabadaas yarna waxey dhalisaa iney dareento iney muhiim tahay







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment