Fariimaha qaar ee Facebooka soo dhigaan Muwaadiniinta Dalka Jarmalka oo lala soconayo (Waa Maxay Sababta)

Bulsha:- Dowlada Jarmalka ayaa qorsheeneysa in ay sameyso kooxo la socda kana hortaga fariimaha ay baraha bulshada gaar ahaan aalada Facebooka soo dhigaan muwaadiniinta u dhashay Dalkaasi.

Waxaa mudooyinkii dambe kordhay dadka u dhashay Dalka Jarmalka ee fariimaha naceybka ku saleesan ee looga soo horjeedo dadka qaxootiga ah soo dhiga barta Facebooka.

Masuuliyiin katirsan Dalka Jarmalka ayaa sheeay in ay kordheen dadka hadalada jinsi naceybka ah soo dhigaya baraha bulshada , xili ay kordeen qaxootiga soo galaya dalkaasi.

Shirkada Facebooka oo cadaadis xoogan kaga yimid dalka Jarmalka ayaa shaacisay in ay adkayn doonaan habka loo ilaaliyo loogana tirtiro hadalada aan haboonayn ee lasoo dhigo barta Facebooka.


Dalka Jarmalka maalmihii lasoo dhaafay waxaa galayay kumanaan qaxooti ah oo intooda badan kasoo cararay colaada ka aloosan Dalka Siiriya, waxaana jira dad cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda qaxootiga dalkaasi kusoo qul qulaya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment