Bulsha:- Waxaa jira dad badan oo neceb ama ka taxadara cunista Ukunta iyaga oo ka baqanaya in wajigha finan uga soo baxaan maadaama elerjik ku qabaan balse waxaa jira faa’iido wayn oo ukunta laga helo .
Maxaa ka mid ah Faa’iidooyinka xooga leh ee Ukunta laga helo? Halkan ka sii akheriso:-
*Protien wanaagsan, Ukunta waxaa ku jira amino acid,kaasoo jirkaagu uga baahan yahay heer aad u sareeya oo awood ah,waxaa kale oo ku jira vitamins B12,kaasoo in badan ka caawiya murqaha iney isku soo ururaan.
*Waxey ka caawisaa koritaanka maskaxda,maadada cholina oo ah nafaqo laga helo ukunta,Ukun kasta shaharkeeda waxaa ku wareegsan 300 oo micrograms ah,nafaqadaas waxey si joogta ah u caawisaa maskaxda,habdhiska dareenka iyo murqaha habdhiska wadnaha.
*Waxey gacan ka geysataa dhimista miisaanka:ukunta waxaa ku jirta nafaqooyin muhiim ah,sidaadarteed cunida ukunta quraacda waxey kaa caawin kartaa iney xadido si joogta ah ugu gudba jirka.
*Waxey kaa caawineysaa iney ka hortagto cudurka Cancerka ah: daraasad cusub ayaa soo jeedisay in joogteynta cunista ukunta ay ka hortagto cudurka Cancerka. Tijaabo la xajiiyey ayaa muujisay in haweenka cuna ukunta todobaadkii lix jeer iney hoos u dhigto qatarta cudurka Cancerka 44%.
Waxey difaacdaa awooda araga: ukunta waxaa ku jirto Leutin iyo Zeaxanthin, Maadama antioxidant taasoo ka gaashaanta indhaha dhibaatooyinka la xiriira UV.
Cudurada indha diciifiyo waxaa sidoo kale looga hortagaa maadada antioxidantska.
Hadaba maadaama cuntista ukuntu leedahay faa’iidooyinkaan faraha badan ee aan kor ku soo xusnay,waxaa u maleynaa inaan suuqa aadi doontaan si aad u soo wada iibsataan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment