Faaidada Ku Jirta In Muuska La Cuno Intaan La Seexan Ka Hor

Bulsha:- MuuskaDaraasad dhowan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in muusku faa’ido balaadhan u lee yahay dadka, gaar ahaana markay seexanayaan,iyada oo ay daraasadani awooda saartay xidhiidhka ka dhexeeya muuska iyo hurdada.

Kooxdan samaysay daraasadan ayaa sheegtay in habeenkii oo marka la seexanaayo 10 minit ka hor la cuno xabad muusi ay keento hurdo jidhka ka dhigta mid aad nasta, gaar ahaana marka la daalo,waxaanay xuseen in subixii ay taasi keento in qofku uu kaco isaga oo aan dareemin wax caajis ah.

Qofkaasina waxa uu subaxaasi noqdaa mid aad u firfircoon,taas oo u sahasha inuu si fiican u guto shaqadiisa maalintaasi.

Muuskan ayay sheegeen kooxdan khubarada ahi inay ku jirto maado lagu magcaabo Sievers Serotonin ,taas oo lamid ah dhecaanka keena hurdada ee jidhka laga helo ,sidoo kalena ay dhici karto inay ka fiicnaato ,siday ku sheegeen warbixintoodan oo ay ku qoreen wargeyska Daily Mail.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment