Cuntooyinka Vitamin E-gu Ku Badanyahay Waxay Ka Hortaagaan Kansarka, Cudurrada wadnaha iyo Indhaha

Vitamin-E_1Cunista cuntooyinka ay ku badan yihiin Vitamin E, gaar ahaan marka afka laga qaato, waxay si fudud uga hortagaan kansarka ku dhaca beerka, cudurada kale e asiiba wadnaha iyo indhaha sida lagu sheegay daraasad ay soo saareen khubaro u dhalatay dalka Shiinaha.

Cilmi-baadhistan daaha ka qaaday in qaadashada cuntooyinkay ku Faytamin E-gu sida lawska, digirta iyo khudaarta hoos-u-dhigaan khatar dadka da’da dhexe iyo kuwa waaweyn ugu jiraan kansarka beerka ku dhaca, sidoo kalena lagu iftiimiyey inay ka hortagto wadne xannuunka iyo dhaawacyada soo gaadha indhaha ee dhinaca araga.

Dr. Wei Zhango oo ka tirsan mac-hadka Shangai Cancer Institute ee dalka Shiinaha, daraasadana qaybta ugu weyn ku lahaa ayaa dadka ay baadhitaanka ku sameeyeen ahaayeen 132, 837 qof oo ay ku jiraan 267 qof oo uu hayey cudurka kansarka beerta, iyadoo dalka Shiinaha Kansarka beerka ee adduunka saameyey uu isaga ka jiro 54% ka mid ah qiimaynta lagu sameeyey waddamada kansarku asiibay.

“Waxaannu helnay arrin iska cad oo ku saabsan xidhiidhka daawo ee ka dhaxeeya Kansarka iyo qaadashada Vitamin E-ga.


Farriintayaduna waa in guriga lagu isticmaalo cuntooyinka ka kooban Faytamiin E-ga si dadka waaweyn iyo da’da dhexeba looga ilaaliyo kansarka beerka ku dhaca, wadno xannuunka iyo indho la’aantaba,” ayuu yidhi Dr. Wei.
Kansarka beerka ku dhaca waa cudurka saddexaad ee sababa dhimashada kansarka dunida, waxaana ugu dhawaad waddamada hormuray kansarku ku dhaca 85%.

Daraasadan waxa lagu daabacay wargeyska la yidhaa The National Cancer Institute ee ka soo baxa dalka Shiinaha oo ka faalooda cudurka kansarka daawooyinkiisa iyo macluumaadada ku saabsan.

Isha:- Qurbo.
_____________________
Xafiiska Shabakada mybulsha
UK- Leicester united kingdom

Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment