Aqriso Fariin Jaceyl oo Aad u Xiiso Badan+ Geeraar Maxabo iyo Cishqi Badan kuu Kordhinaya.

Bulsha:-  Macaanoow iga gudoon salaan,aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan,malo awaal ka dheeroo manafacaad wada.

Aboowow/Abaayeey hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo,Wabi baa makhuurtoo ma nooli,Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda,maalintaan ku waayana waan malganahay.

Run ahaantii Xabiibti/Xabiibi, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan Dha dhansaday Erayadadii qimaha iyo qaayaha ku saleesneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku imaado kugu dhaho :


dhaayaha u roonoow/ney

ku dhaadanaayaay

dhaxantiyo dabaylaha

kaan ka dhigsanayaan

laba dhimasho mooyee

iskuu dhaafin nololoo

waxaanahay is dhawrtoo

rabi kala dhantaaline

hayeeshee dhib hawliyo

dhakafaar adduunyiyo

ina kala dhexyaaloo

soo dhoofi waayee

dhulku kala fogaayoo

ATL NA dheeraa

ayaan dhixin habeenoo

dhakhso iigu kaa sima.

jacaylkeenu hadmuu

ubad dhalaa

Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeega qeybtiisa kale ii difaacantahayoow oo aan isku si u wada shaqeyneeno

been laguma dhaartee

dhan loo dayaba wiilyahoow

jacaly iga dhab weeyee..

dhaqan kaama luminoo

dhismahaa ma liicine

waqti kuma dhirbaaxine

sidii aad u dhalatay

dheehii u leeyiin

wali dhabanadaaduye

anna waxa ii dhaawacay

dhaayaha u roonoow

dhoola ka qosolkaagee

Gacaliso/Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in ee agteyda ku yaalaan ,taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku soo sheegay.

Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco , ducadaasoow/Duceysaney ku saleesan mahadnaqa ilaahay..sababtoo ah Qaaliyeey/qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ee tahay awooday inee soo bandhigtaan isla markaana  ku heshiiyay in ee meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena…

ilaahay waxaa inooga baryaa in aa noqono labii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo aduunyaba farxad ku wada noolaadoo,laba dadka ka kala maseeraanoow, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhamaaninoo ,noqdaa kuwiii liibanaa ayaan ilaah inooga baryaayaa..AMIIN AMIIN YA RABi…







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment