6 Arimood oo Dhalinyarada ku Kulifa in ay Ka Baqaan Guurka

Bulsha:- Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin sababaha dhalinyaro badan ku keena guur la’aanta in ay ka mid tahay cabsi ay ka qabaan xidhiidhka guur ee ay la yeelanayaan qofka ay nolosha la wadaagi lahaayeen, waxaa in badan dhacda dhalinyaro wiilal u badan oo aan ku dhac u lahayn in xidhiidhka haasaawe ee ay gabadha la wadaagaan ay u beddelaan guur, waana sababta keenta in marar badan marka uu haasaawuhu dheeraado ay inantu ka shakido daacadnimada ninka sheekadana ay dib uga gurato ama iyada oo isaga xidhiidhkii la sii wadda ay si kedis ah nin kale isaga guursato.

Dr. Hiba Ciisawi oo ah bare-sare oo culuumta daaweynta cudurrada nafsiga ah ka dhigta jaamacadda Caynu Shams ayaa sheegtay in sababaha ugu badan ee baqdinta guurka keena ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qorani:


Haddii qofku marka uu yar yahay ama xilliga uu madaxa la soo kacayo aan lagu tababarin masuuliyad qaadista waxaa in badan dhacda in marka uu weynaado uu ka baqo guud ahaanba qaadista masuuliyadda, guurkuna waxa uu ka mid noqdaa masuuliyadahaas uu ka baqayo in uu qaado.

Dhaqan xumada iyo is dhex galka ragga iyo dumarka oo dunida si aad ah ugu faafay, waxaa wiilka iyo gabadha mid kastaa uu si sahlan ku gaadhayaa baahiyo badan oo bayoolajiyeed oo la’aantoodu guurka ku dhiirri gelin lahayd. Noloshaa fudud ee xidhiidhada badan iyo masuuliyad la’aanta uu wiilku ku helayo baahiyihiisu waxa ay ku beertaa cabsi badan oo uu ka qaado guurka.

Shakiga oo ragga ku badani waxa uu ka mid yahay caqabadaha guurka hor istaaga, gaar ahaan marka uu ninku hore ugu soo fashilmay xidhiidh hore oo haasaawe ama tijaabo jacayl oo hore oo aan farxad lahayn uu soo maray, waxaa ku beerma shaki uu ka qaadayo in dumarku dhammaan ka siman yihiin dabeecadaha uu uga soo bartay gabadha hore ee sababta u noqday burburka jacaylkisaa hore, arrintanina waxa ay ku beertaa cabsi uu ka qaado guurka.

Xorriyad jacaylku waa dabeecad Rabbaani ah oo Alle ku beeray ragga, wax kasta oo ay u arkaan in xorriyaddooda ay ku waayayaanna kuma degdegaan. Haddaba waxaa jira rag badan oo ay iskaga beeran tahay cabsi ah in guurku uu yahay xabsi ay ku waayayaan xoriyado badan oo hadda ay haystaan oo ay ka mid tahay socodka iyo cawayska iyo weliba isticmaalka kharashka, arrintaasina waxa ay ku beertaa in ay ku dhiirran waayaan inay haasaawahooda guur u beddelaan.
Dadku waxa ay u badan yihiin in aanay jeclayn fashilaadda, sidaa awgeed waxa ay neceb yihiin is beddelka iyo shay kasta oo ku cusub, iyaga oo keliya ka cabsi qaba in ay ku fashilmaan. Haddaba dadka noocan ah waxaa ku adag guurka oo ay u arkaan is beddel aanay saadaalin kari nwaxa kaga soo baxaya. 6. Kalsooni darradu waxa ay qofka ka qaaddaa ku dhaca iyo doorashada dookha, waana sababta dad badani ay ugu kalsoonaan waayaan waxa ay doortaan ama ay ugu dhex dawakhaan waxa in ay kala doortaan loo soo bandhigo, rag iyo dumar badan wax yaabaha guurka ka hor istaaga waxaa ka mid ah iyaga oo dookhooda ku kalsoonaan waaya oo mar kasta ka fikira in qofkan mid ka fiican ay heli karaan ama in aanu ahayn dookhii ugu mudnaa ee ay u baahnaayeen.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment