5 Faaido Oo Kugu Dhiira Gelinaya Inaad Dhinaca Midig U seexatid Mar Waliba

Bulsha:- Dhakhaatiirta caafimaadka waxay isku raacsan yihiin in hurdadu tahay mid ka mid ah nimcooyinka waaweyn ee Illaahay ugu deeqay aadanaha, isla markaana la’aanteed aysan suuragali karin in qofka uu ku noolaado nolol caafimaad leh.

Haddaba iyadoo sidaasi jirto ayaa hadana khubaro caafimaad oo si gaar ah daraasad ugu sameysay  huradada loo seexdo dhinaca midigta ayaa sheegtay in la heley waxyaabo gaar ah oo muujinaya tilmaamo faa’iido u leh qofka.

1- Dhakhaatiirta waxay xaqiijiyeen in hurdada loo seexdo dhinaca midigta ay caafimaad u leedahay qofka marka loo eego dhinaca bidix.

2- Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in si qofka uga dhergo huradada uu u baahan yahay 7 ilaa 8 saacadood habeenkii, taasina ay ku iman karto dhinaca mdig oo marka hore loo seexdo.

3- Wadnaha oo ah xubinta kontoroosha dhaqdhaqaaqa jirka oo dhan waxa uu sameeyaa foorar marka loo seexdo dhinaca bidix taasoo qalqal galisa hurdada qofka kuna abuurta daal iyo xanuun, sidaasi awgeed dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in midigta loo seexdo.

5- Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale sheegtay in neefsiga qofka iyo hawo qaadashada ay kaga wanaagsan tahay inuu dhinaca midig u seexdo halka uu bidixda u seexan lahaa.

Dhamaan arimahan waxay ka mid yihiin talooyin caafimaad oo ka soo baxay daraasad ku saabsan hurdada, taasoo si rasmi ah loo shaaciyey, waxaana si aad ah loo amaanay huradada dhinaca midigta.

Haddaba akhristow sow ma ogid in Rasuulkeena SCW uu na baray sunaha ah in midigta loo seexdo marka hore waliba iyadoo qofku weyso qabo, marka hadda ma ogaatay faa’iidada ay leedahay jiifka midigta loo seexdo?.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment