Bulsha:- Akhirstayaal wax cusub maaha in la maqlo haweenay baa lamaanaheedii khiyaamaysay, taas macnaheeduna maaha in haweenku wada khiyaamo badan yihiin, waxaynanu isku dayeynaa sababta ku kaliftay in badana haweenku khiyaamo ula yimadaan lamaanahooda.
Waxyaabaha ugu badan ee haweenka khiyaamada ku kalifa ayeynu ka soo qaadan doonaa afartaan soo socda;
Waxay khiyaamada Gabadhu u gashaa si ay farxadeeda ugu raadiso: Dumar badan baa khiyaamada ku kaca si ay farxadooda u helaan, ugana kasbadaan waxyaabo ay aad u xiiseeyaan lamaanahooda, danaha iyo waxyaabahay jecel yihiin waxay badana haweeku ku hoggaamiyaan inay khiyaamo la yimadaan.
Khiyaamada noocan ah maaha mid la xidhiidha cadiifadooda, balse waa wax ka baxsan oo ku saabsan farxad gelinta amma siday u heli lahayd gabadhu wax farxad ku abuura.
Waxay doonaysa waxa
gacanta ugu jira wax ka badan: Arrinta ugu badan ee gabadhu khiyaamada ula timadaa waa inay hesho waxay gacanta ku hayso wax ka badan oo ay haysato gabadh asxaabteeda ah ama ay jaar yihiin.
Hinaase dartii: Gabadh kasta waxay jeceshay in lamaanaheedu ku kalsoonaado, waxaanay ku kacdaa khiyaamo haddii ay saygeeda amma ninkay jeceshahay ka dareento inuu meelo kale halacsanaayo, iyadoo isku dayda khiyaamooyin badan oo ay ku soo ceshanayso qofkay maanka ku hayso.
Saygeeda amma qof ay jeceshay oo ay ka dareento dayacaad iyo dhayalsi: Gabadh kasta markay dayacaad iyo dhayalsi ka dareento saygeeda amma qofkay doonayso inay nolosha la qaybsato waxay ku kacda khiyaamo badan oo ay ku toosinayso isaga.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment