11 Cunto Oo Gabowga Ka Hortaga Qurux Iyo Caafimaadna Laga Helo

Bulsha:- Cuntada aad cuntaa waxay saamayn badan ku leedahay muuqaalkaga iyo cafimaadkaga.

Ma jeceshahay inaad had iyo goor wajigaga iyo korkaaga dhalinyaro iyo qurux ka muuqato.

Hadaba, cuntadaan hoos ku xusan ayaa yaraysa waxa sababa in wajigaaga da’daada laga dareemo, waxay ka dhigta qof ka yar da’diisa.

Bataata Macaan (Sweet Potatoes)
Bataatiga macaan waxay jirka ka celisaa waxyeelada qoraxda waxaxa laga helaa Vitamin C kasoo qof yar ka dhiga jirkaaga.

galaydaGalay (Corn)
Galayda ma aha oo kaliya inay jirka qurxiso waxay kaloo difaacda cudurka kansarka inuu jirkaaga ku faafo.

Afakaadho (Avocado)
Maadooyin iyo fiitamiino  laga helo afakaadhada ayaa jirkaga caafimaadkiisa u fiican, waxay kaloo difaacda halista wadna xanuunka.

toonToon (Garlic)
Toonta waxay hoos u dhigtaa unugyada baruurta badiya (cholesterol) iyo dhiig karka (blood pressure).

akhriso: faaidooyinka toonta iyo xanuunada ay daawayso

digirtaDigirta (Beans)

Wadnahaaga oo caafimaad hela waxay u fiicantahay jirkaaga dhami oo si wanaagsan u shaqeeya, hadaba digirta waxa laga helaa maadooyinka birta ‘iron’ iyo fiitamin D oo siyaadiya caafimaadka.
shukulaadada madow iyo gabowgaShukulaatada madow (Dark Chocolate)
Wa run ilkaha waa u darantahay balse waxay waxtar u leedahay jirka, waxey ka difaacda waxyeelada qoraxda sidoo kale waxay dhinta laalaabka jirka oo da’da sababtoo ah  jirka ayay qoyaan u yeeshaa.

akriso:  10 faaido oo laga helo cunista shukulaatada madow

cucumber on the white backgroundQajaar, khiyaar (Cucumber)
Sida shukulaatada oo kale ayuu jirka ka ilaaliya laalabka (wrinkles).

akhriso: sida jirka qajaarka loogu qurxiyo

kaarootada qurux iyo caafimaadKarooto (Carrots)
Karootada waxay waxtar u leedahay lafta madaxa iyo timaha, sidoo kale waxay caawisa araga iyo caafimaadka indhaha.

looskaLoos (Nuts)
Looska wuxu dayac-tira unugyada jirka sidoo kale wuxuu difaacaa jirka.


Casiirka cranberry waxuu ka diifaca ilkaha inay bololaan ama cadaanka iska badalaan. Ogow ilkaha cad waxay dheeli tiraan quruxda bi’ni aadamka.

canab guduudCanab Guduud (Red Grapes)

Canabka gaduudan wuxu ka hor taga in dhiiga fariisto, cayilka, iyo dhiig karka.








_______________________

Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment