Bulsha:- Qoyaanka farjiga haweenka ay leedahay
ayaa ah dhibaato aad u weyn oodumar
badani ay ka cawdeen ama ka sheegteen
taasi oo ku beerta wel wel oo ku aadan
badnaashaha qoyaankaas , waxaana
arintaan ka sheegta 65% dumarka.
Qoyaan dheecaaneedkaas ayaa midab
ahaan cad , waa uu jiidjiidmayaa waxa
uuna dhab aana u shabahaa dheecaanka
ukunta oo kale.
Inta badan xubinta taranka haweenka waa
ay qoyan tahay maadama uu leeyahay
maadada loo yaqaan Lactic acid oo ah
maado caaneed taasi oo ka soo shubanta
halboow layaasha dhiigga taasi oo quudisa
darbiga xubinta haweenka.
Sidoo kale haweenka dhiiga uu ku yar
yahay xiliga malabyarowga lagu jugeynayo
dheecaano badan ayay soo deysaa.
Dheecanaada iska dabiicga ah midib
ahaan waa cad yihiin waana jileec , mana
laha wax shiir ah sidoo kale ma keento
cuncun
ah. Waxyaabaha keena dheecanada badan ee
xubinta taranka? Adeegsiga kareemooyinka
xubinta taranka loogu tala galay ,
saabuunada oo xasaasiyad ku reebi kara
xubinta haweenka , xerashada dhar
hoosaadka cariiriga ah (nikis kugu dhagan)
iyo xanuunka sokorowga. Sidoo kale
infekshan ku dhaca dhuunta minka ,
cudarada taranka ku dhaca iyana waa
keenaan.
Darbiga xubinta taranka waxad ku karemeysa burcadka caanaha , marka xaajada soo gudato(Suuliga) si wacan u nadiifi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment