Siyaabaha Qofku Iskaga Ilaalin Karo Fakarka Xad-Dhaafka Ah

Bulsha:-  Inta badan qofka waqtiyada qaarkii wuxuu ku dheeraada ka fakarida arrin ku xeeran noloshiisa taasi oo marka danbe ku dhalisa jaahwareer iyo kalsooni darro ,sidoo kale go’aan qaadasho xumo ukeenta mustaqbalkiisa ,ururka isutaga maraykanka ee ka hadla arrimaha saykoolijiga (nafsadda) ee ( AMERICAN PSYCHAITRIC ASSOSIATION) ayaa ku qeexay qofka fakarka badan inay tahay arrin dhowr jeer kusoo laaban karta ,waana wax ku saabsan maaraynta nolsha qofka .

Hadaba fakarka badan waxaad uga guulaysan kartaa adigoo suubinaayo qodobadaan soo socda :

1-Dareensii caqligaada inuu ka hortago fakarka xadh-dhaafka ah, adigoo isticmaalaya ama xasuusanaya mirihii xumaa ee ka dhashay fakarka caqligaada mashquuliyay
2- xiro maro yar ama waxaad gacanta gashato si uu kaaga horistaago dabeecadda fakirka badan keenta
3-iska badal arigtida xun ee markasta kugu dhalinaysa fakar badan adigoo raadinaya arigtida toosan
4-kala tasho arrimaha kugu xeeran asxaabtada ugu fiican ee arigtiyada toosan leh
5-isku mashquuli nafsadaada xilliga uu fakarka badan kula soo darso ,isku mashquuli xisaabta bisha intaad shaqaysay ,gadashada baabur cusub iwm..

6-badso ciyaarta jimicsiga ah si aad uga hortagto fakarka badan ,markaad ciyaarto waxaa jirka ku badanaya soo daynta hormone-ka (endrofone iyo serotonine) kuwaas oo qofka qalbigiisa ku abuura farxad iyo raynrayn
8-qor inta jeer ee aad maalinkii fakarto si aad u ogaato inta u dhaxayso natiijada fakirkaada iyo saacadaha aad fakartay.

9-u istaag qabashada shaqada aad isla waqtigaas ku fakartay si aad uga hortagto labalabaynta.

10- ogow markasta go’aan qaadashadaada inaysan sax ahaan doonin 100% taasina aysan aheyn wax kaliga gaar kugu ah ee dadka oo idil ay kulamid yihiin
Hadaadan tilaabooynikaan aan kor kusoo xusnay aadan sameyn waxaa laga yaaba inaad ka dhexashid  fakarka badan :

-wado xun oo ku gaysa natiijo xumo
-Cuduro badan oo psychiatric ah oo aad ka dhaxlayso sida :walwal iyo walbahaar,kalsooni darro
-Hurdo la’aan
-Waqti lumis badan
-Nolo xun oo aan raaxo lahayn



W/Q: Dr Usama Cismaan







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment