Ragii Dilay Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo Maanta La Toogtay

Bulsha:- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Fedraalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay saakay Iskuulka Gen. Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku fulisay Dil Toogasho ah oo lagu qaaday labo ka mid ah raggii ka dambeeyay Dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Wariye Hidiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Fagaaraha School Polozio ee Magaalada Muqdisho ayuu ka dhacay dilka labadan ruux saaka lagu fuliyay, iyadoo masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida ay goobjoog ahaayeen.


Labada ruux ee dilka toogashada ah saaka lagu fuliyay ayaa kala ah C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar iyo Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar.

Raggaan saaka maxkamada ciidamada qalabka sida dilka toogashada ah ku fulisay, ayaa horay racfaan uga qaatay xukun ay ku riday Maxkamada Darajada Koowaad 25-kii Bishii labaad ee sanadkan xukunkaasi oo ahaa dil toogasho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa marlabaad C/risaaq iyo Xasan ku Xukuntay Dil Toogasho ah 20-ka Bishii March ee Sanadkaan, iyadoo ugu dambeyna Maanta Dil Toogasho ah lagu fuliyay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment