QISO JACEYL AH:- Annigoo Daawanaya musasal aan Aad u jecelahay,oo ay Hareerahayga ku Xeerran yihiin…

Bulsha:- Annigoo dawanaya musasal aan aad u jecelahay,oo ay hareerahayga ku xeerran yihiin dhamaan qoyskayga oo dhan, waxaan cunnayay cunnto, aan marka ka soo qaatey jikada.

Filimmkuna wuxuu marayay meel xaladda, ishaydunna meel kale ma hayso, waxay ku taqlan tahay tiifigga. aya waxaa si kaddis ah u soo dhacay mobelkayga oo aan markaa gosha ku hayay.

Waan eegay numberkii, waxaan ahaa gabadh aad u da’yar wali ma gadhin xilligii hasaawaha, oo nambar aannan garannayn maba qabto yadoo lay agfadhiyo. Harreerahaan eegay nubekiina waan ku  damiyay.

Isla la daqiiqad ka dib nambarkii wuu igu soo celiyay! intii annan qaban ka hor waxaan u dhaqaaqay dhinaca jikada, ka dibna albaabkii jikadan celiyay, nambarkiina waan  qabtay, saa waa cod nin! Waan yaabay!! ninkii  wuxuu yidhi “halow, walaaalo ma ma wacan tahay.

” Anna waxaan idhi “hallo waa waa qofma?’’ wuxuu igu yidhi, “ waa wiil Farxaan la yidhaahdo, lakiin midhaa ima garannaysid” Annigoo yaban baan ku idhi “ Farxaanku waa kuma dee? Xagaad se nambarkayga ka soo heshay?” si dagdaga ayuu u yidhi “lakiin laga yaba inaad garratid sawiradayda, ee facebook ma ledahay?” waxaan ku jawaabey:“ Haa, waxaan kugu soo qorayaa masseege ahaan” sidii baan ku nabad galyeeyey.

Islarkiiba waxaan u direy faceboogaygii wuuna igu soo darsadey, markii aan eegay dhamaan sawiradiisii waan garan wayay, wuxuu igu soo celiyay mobelkii  wuxuuna yidhi “Ma igaratey”  anna waxaan ku jawaabay “maya” wuxuu iigu yidhi: “waxaan wada dhiggan jirnay bareefad, lakiin kala fasal  baynu ahayn, isagoo hadalkii sii wata wuxuu yidhi “hadii adan  ii garanayn waynu kulmi karnaa” waxaan ku jawaabey “ waa si wacan” Waxaanu balanay habeen danbe. Kulkayagii kowaad wuxuu ahaa isbarasho. Annigu aad baan u dag dagayay oo si fican isumanan xog waraysan.  Waxaan aad uga war warayay hooyo iney i tabto.

Sacado gudohoodba waan ka soo noqday wiilkii. Intii aan wadada soo socday waxaan la shawirayay nafta, marba Farxaan iyo hadaladiisi iyo waliba qosalkii goos gooska ahaa, Farxaan wuxuu ahaa wiil aad u qosal badan, waji furan, dacaayad badan. Iindhihiisa ay ku dheehnayeen jacayl.

Wuxuu iigu sheekeyay sheekoyin xiiso badan oo aan islahaa yaanba ka tagin. Wuxuu waliba ii raciyay inuu qalbigiisu ii buko ana aan dawadiisa ahay, Uuna iga damacsan yahay mustaqbal fog. Sidii baan gurii ku tagey.

Albaabka waxaa iga furtay hoyaday Cambaro. Waxay sidatay alwaax wayn. Alwaaxii baa layla dhacay yadoo ay hooyo ku dhawaqeyso “ naa xagaad ku maqnayd waqtign iyo maxaad doontay? Kuwaaa iyo kuwa la mida bay i weydiisay. Waxayna igala haadey mobelkii oo markaa Farxaan soo garaacay.
Waxay ku tidhi “hallo”  Farxaan waa war mooge ayuu yidhi“ gacaliso gurigii ma tagtay”  inta waxaa xigtay in mobelkii dhulka lagu tuuro oo lay sii dilo” dagaalka waxaa ii dheeera su’aalo fara badan oo ay ka mid ahyeen ‘waa ayo ninkani’?  Hooyaday aad bay u kulayd. Reerkana annigaa u innana, inta kale waa wiilal Oo aad baa lay illaaliyaa. Anna anoo aad u ooyaya ayaan gurigii hore u soo galay.Wagiiba sidii iigu baryay. Waan kacay, waxaan dubbay canjeeladii, kadibna waan la bistay.

markii aan labiskii dhamaystay, oo wali reerkuna wada hurdo ayaan is idhi bax, albaabkuba wuu qufulan yahay. Yaab!! Waligeed ilinka lama xidhine tolay maxaa dhacay? Lakiin waxaan markiiba fahmay u jedada. Waxaan iska bixiyay dharkii.

Annuu jikadii ku jira ayay hooyo soo kacday waxay aragtay annigoo jikada iska fadhiya waxaan ku idhi “ hooyo albaabka maxaa loo qafilay” waxay iigu jawaabtay “cagtii fadhiisan waydaa mar uun bay ceeb la kulantaaye, intadan ceeb noso hoyn albakaa dhafimaysid, wax iskuulana ma jiraan waba meesha lays ka soo racaye.”  Waan iska ammusay.

Markaan waxa adkaatey si aan isku aragno ama u wada hadolno anniga iyo jacaylkaygii ugubka ahaa. Markay baryo xaladuu sidii ahayd iskuulkiina layga joojiyay. Ayaa waxa kuriga timi eedady oo xannunsanaysa lakiin dhalin yaro ah. Waxaan uga sheekeyay dhamaan dhibatadii iyo is arag la’aanta anniga iyo Farxaan iyo innaan mar mar uun ilqoodha iska aragno.

Kadib eeda waxay go’aansatay inay gacan iga siiso dhisida jacaykayga. Madaama oo ay bugto waxaa soo booqda dad badan. Waxaa suuro gashay inuu ka mid noqdo Farxaan dadkii soo boqonayay, isagoo waliba kaga tagi jiray dhambaalda jacaylka iyo warqadaha kana qadan jiray kuwaan u qoro. Boostii jacaykaan u bixinay edaday. Waxay kaloo boostadii ku darsatey inaan dhakhtarka u raaco si aan maruun u soo arko indhe uroonaha, qalbigayga dagay. Anniga iyo Farxaan waxaa na dhex maray kulano aad u xiiso badan.. Wuxuu xidhiidh kayagu ahaa mid aan aad ugu farxay.

Waxaan isku noqoney ul iyo diirkeed midna midka kale kama maarmo. Farxaan wuxuu ka shaqeeyaa carwo ku taala suuqa wayn ee  magallada Burco, annigu se waxaan wali sitaa qalin iyo buug, oo waxaan dhigtaa dugsiga Shiikh Ibrahin. Bilo ka dib Farxaan wuxuu isoo bandhigay innu doonayo innaan noqono qoys. Waxaan si talan taliya u qaadnay heestan.

*****Farxaan*****







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment