QAABKAN AYAA DAWO U AH BIYAHA BAXA DEG DEGA AH EE RAGGA

Bulsha:-  Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)

1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.

2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan. Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)

3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood ka hor wakhtiga aad galmoonayso wax cuntay.
4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )

5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso inaanad biyo bixin.

6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan tijaabi.

7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu isagu iska kenayo. Qofka waxkale oo oo haboon inuu yareeyo galmada faraha badanle mudada hore ee uu rabo inuu xanuunkan ka bogsado, waxa ay culimo badani isku raacsanyihiin in galmada ugu fiican uu qofku samayn karo halkii week maalin, tani waxay soo celin kartaa tayada biyahaga iyadoo yarayn karta biya baxa badan ee had iyo jeer kugu iman kara.

8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya, waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin doona talooyinka ugu haboon.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment