Ninkeyga wuxuu igu qasbaa xiliga galmada wax yaabo kale oo xaaraan ah ee maxaan sameeyaa?

Bulsha:-  Qoys walba waxa uu ku dhismaa, taaba galaa, tanaadaa ama ku burburaa baaxada ay le’egtahay farxada guriga qoyskaas ku duugan.

Haddaba akhriso 10 qodob oo ka qayb qaata farxada qoyska: Si aad ugu soo baxdid mid qoyskiisa ama ka mustaqbalkiisu ay faraxsanyihiin fadlan raac talaabooyinkaan. Daacadnimo:ma jirto wax ka qaalisan oo lagu farxo lamaane daacad kuu ah markaasna ka shaqaynay sidii aad u higsan lagayd horumarka aad ka damacsantahay nolosha.

Howlkarnimo iyo firfircooni:labada qof ee is qaba marka ay doonayaan in gurigoodu uu noqdo beer dhalaalaysa oo loosoo xiiso waa in laga helaa labada lamaane mid walba howlkarnimo dheeraad ah oo uu muujiyo xiliga guriga iyo bulshada dhexdeeda intaba. qalbi furnaan:guriga lamaanaha ku nooli haday kala aaminsanyihiin waxyaalo keeni kara aamusnaan, baqdin iyo canaan waxaa dawo u noqon kara in labada ruux ay isu muujiyaan qalbi furnaan iyo kalgacayl.
Qiimayn:guri aan qiimayn iyo ixtiraam oolin ha noqoto labada lamaane ee is qaba ama xigaalka, deriska iyo xididkee waxa uu noqonayaa meel aan la jecclaysan waxaana ka soo baxaya farxad la’aan keeni akarta dhibaato weyn. 
Nadaafad:bilnaanta jir ahaaneed, guri ahaaneed iyo muuqaal wanaagsan waxay kordhiyaan oo kor u qaadaan xubiga iyo wanaaga ay isku hayaan labada lamaane, waxaana soo ifbaxaya udgoonka iyo quruxda ay leedahay nolosha lamaanaha ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment