Labo wiil walaalo Soomaali ah oo ISIS ka tirsanaa oo lagu dilay duqey ka dhacay Siiriya

Bulsha:- Walaalo Soomaaliyeed oo dalka British labo sano ka hor ka tegay ayaa ku geeriyooday dagaalada ka socda Siiriya, kuwaasi oo ku biiray ururka aargagixisada ISIS.

Khalif Shariff, 21, iyo C/raxmaan oo 18-sano jir ah ayaa ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu fuliyay kooxda ISIS xili ay ka barbar dagaalamayeen.

Abdullahi, 50, iyo Fatuma, 48, oo ah waalidiinta labadaasi wiil ayaa lagu wargeliyay geerida wiilashooda maalmo ka hor.

Khalif Shariff, 21, walaalkiis Abdulrahman 18 jir ayaa waxay ka tageen gurigooda oo ku yaal Manchester bishii November 2014. Abdirahmaan ayaa wuxuu dhiganayay College and Stretford High School.

Mohammed Shafiq, oo ah guddoomiyaha Ramadhan Foundation ee Manchester Greater, ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah in ay xaqiijiyeen in Abdulrahman la dilay iyo walaalkiis.

Waxaa horay magaalada  Manchester sidoo kale ka tegay labo gabdhood mataano ah oo lagu kala magacaabo Salma iyo Zahra Xalane, kuwaasoo loo yaqaan  ‘Terror Twins’ kadib markii ay soo baxday inay ku biireen ISIS-ta Suuriya.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment