Bulsha:- Walaalo Soomaaliyeed oo dalka British labo sano ka hor ka tegay ayaa ku geeriyooday dagaalada ka socda Siiriya, kuwaasi oo ku biiray ururka aargagixisada ISIS.
Khalif Shariff, 21, iyo C/raxmaan oo 18-sano jir ah ayaa ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu fuliyay kooxda ISIS xili ay ka barbar dagaalamayeen.
Abdullahi, 50, iyo Fatuma, 48, oo ah waalidiinta labadaasi wiil ayaa lagu wargeliyay geerida wiilashooda maalmo ka hor.
Khalif Shariff, 21, walaalkiis Abdulrahman 18 jir ayaa waxay ka tageen gurigooda oo ku yaal Manchester bishii November 2014. Abdirahmaan ayaa wuxuu dhiganayay College and Stretford High School.
Mohammed Shafiq, oo ah guddoomiyaha Ramadhan Foundation ee Manchester Greater, ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah in ay xaqiijiyeen in Abdulrahman la dilay iyo walaalkiis.
Waxaa horay magaalada Manchester sidoo kale ka tegay labo gabdhood mataano ah oo lagu kala magacaabo Salma iyo Zahra Xalane, kuwaasoo loo yaqaan ‘Terror Twins’ kadib markii ay soo baxday inay ku biireen ISIS-ta Suuriya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment