Faaidooyinka Caafimaad Ee Dumarku Ay Ka Helaan Galmada

Bulsha:-  shaki kama qabto in guurku uu yahay furaha xasiloonida ee ragga iyo dumarka labadoodaba, waxa aanay marar badan oo kala duwan khubarada cilmiga bulshadu inoo sheegaan in dhismaha qoyska iyo ubad la dhalaa ay si weyn uga qayb qaataan in la xaqiijiyo isu-dheelli tirnaan jacayl oo lammaanaha dhex timaadda, iyo in ay yeeshaan caqli ka fogaanaya dhammaan caadooyinka xun xun iyo khilaafyada gurigooda burburinaya.

Haddaba qormadan qurbo.net waxay  ku soo gudbinaysaa faa’idooyin ay soo ururisay oo ay khubarada cilmiga bulshadu marar kala duwan iyo siyaabo kala duwan u sheegeen in dumarku gaar ahaan uga helaan guurka, waxa aanay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

- Guurku waxa uu gabadha ka ilaaliyaa cudurka macaanka: Daraasado caafimaad ayaa xaqiijiyey in dumarka uu sarreeyo xaddiga maadadda Glucose ee dhiiggooda ku jirtaa ay inta badan u dhowdahay in uu ku dhaco cudurka macaanku, laakiin khatartaasi ay si gaar ah u sii badan tahay marka ay gabadha xaaladdeedu sidaa tahay si gaar ah u nooshay, iyada oo tijaabooyin la sameeyeyna lagu ogaaday in inanta marka la guursado ay maaddooyinkaasi si dabiici ah hoos ugu dhacaan.

- Guurku waxa uu gabadha ka ilaaliyaa Dhiig-karka: Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen, dumarka xaasleyda ah ee ku nool nolol qoysnimo oo ay saygooda farxad iyo badhaadhe kula nool yihiin, in uu had iyo goor heerka wareegga dhiigoodu hooseeyo. Sidoo kale hawlaha guriga ee ay gabadhu inta badan qabato ayaa la sheegay in ay ka qayb qaataan hoos u dhaca miisaanka, arrintan iyo taas aynu marka hore ka soo hadalnay ee la xidhiidha guurka farxadda leh ayaa labaduba ku yimaadda guurka, waxa aanay halkaas khubaradu kala soo baxeen in guurku sabab u noqon karo.

- Ubadku waa isha ugu weyn ee ay gabadhu farxadda ka dur-duurato: Sida caadiga ah in gabadhu ay hooyo u noqoto ubad oo iyadu ay masuuliyaddooda hayso ayaa ay dad badani u arkaan in ay tahay culays nafsi ah iyo buuq iyo dhiig kar joogto ah, laakiin daraasado ay sameeyeen khubarada cilmiga bulshada ayaa daahfuray, in ubad ay gabadhu dhasho oo ay korsataa uu inta badan sabab aasaasiya u noqdo badhaadhe iyo farxad ay gabadhu ku gaadho guurka. 


Hooyonimadu waxa ay wanajisaa xaaladda nafsiga ah ee gabadha hooyada ah. Sidoo kale ubadku waxa ay inta badan sabab u noqdaan in aanu qoysku burburin, xataa haddii labada ruux ee uu u dhisan yahay aanay waxba ka dhaxay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment