Bulsha:- Khubaro u dhalatay Dalka Maraykanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Dumarka u dhexeeya Da’da 15 ilaa 20-Sanno ay yihiin kuwa cunis badan dhanka Raashiinka Marka la eego.
Khabiir Stilwell oo u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa waxa uu sheegay in Daraaso la sameeyen ay ku Ogaaden in Dumarka xilliyadda ay ku jiraan Sanadka 15-20-Sanno ay yihiin kuwa aan la noolankarin reerkooda isagoona sheegay inay qaadanayaan Raashiin badan iyaga oo siyaabo kala duwan u cunaayo.
Wuxuu Mr. Stilwell sheegay in Dumarka xiligaasi ku jira ay maalintii 7-mar cunaan raashiinka iyagoona isla markaa u cunaayo qaabo kala duwan oo aysan dadku isha la raaci Karin.
Stilwell waxa uu yiri Daraasadu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in 15 ilaa 20-Sanno dumarka ay yihiin kuwa qaata Cunis badan, balse iyaga ma garan karaan sida ay u cunayaan maalintiina ugu yaraan ay qaadan karaan 7-mar oo cunitaan ah Sidaa waxaa yiri Khabiir Stilwell oo qoraal ku sheegay Arrintaasi.

Mr.Tom Joho, waxa uu sidoo kale sheegay in Dumarku ay si u cunaan Raashiinka balse aysan haddana dareemeynin, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii, Khubaradda ayaa waxa ay daraasadooda ku sheegen in Dumarka ay u baahan yihiin Daryeel gaar ah isla markaana aan koontorool lagu sameyn qaabka ay Raashiinka u cunaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment