Daawo:- Madaxweyne guursan doono Haweeney Dowladiisa xil weyn ka heysa

Bulsha:- Madaxaweynaha Dalka Estonia ayaa lagu wadaa in dhawaan uu guursan doono Haweeney madax ka ah waaxda Difaaca Internet-ka Dalka Latvia Ieva Kupce.

Guurka madaxweynaha ayaa waxaa warbaahinta caalamka u xaqiijiyay Estonia Toomas Sildam oo ah la-taliyaha madaxweynaha Dalka Estonia.

La-taliyaha Madaxweynahay ayaa sheegay in Jaceylka Madaxweynaha iyo Haweeneyda Dowlada Estonia ugu magacaaban Waaxda difaaca uu ahaa mid soo jiitamaayay muddo farabadan, balse uu iminka isku soo dhawaaday Jaceylkooda.

La-taliyaha ayaa sheegay in Arooska Madaxweynaha ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynayaal ay tiradooda kor u dhaafeyso 20 kuwaasi oo saaxiib dhow la ah Dowlada Estonia.

Madaxweyne Toomas Hendrik Ilves, ayaa horay usoo maray guur kala duwan waxa uuna hadda ku howlan yahay la aqal galida Haweeneydaasi, waxa ayna warbaahinta qaar qoreen in Haweeneydaasi noqon doonta Xaaska Toomas Hendrik Ilves ay wada shaqeyn kala dhaxeyso Sirdoonka Britain iyo Mareykanka balse uusan ku baraarugin Toomas Hendrik Ilves guurkaasi.

Madaxweyne Toomas Hendrik Ilves ayaa hadda jira 61 sano waxaana Haweeneydan lagu magacaabo Ieva Kupce una dhalatay Dalka Latvia.

Sidoo kale, Ieva Kupce waa 38 Jir oo aan horay u galin guur, balse waxa ay rajeyneysaa in Nolosheeda ay ku furfurto Toomas Hendrik Ilves oo ah Madaxweyne dhaqaale ku fadhiya.

Dhanka kale, Labada Masuul ee is guursanaya ayaa horay uga soo wada shaqeeyay Baarlamaanka Midowga Yurub Sanadkii 2000 iyaga oo kala matalaya Dalalkooda,waxaana la sheegayaa in halka ay iska arkeen ay halkaasi tahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment