Bulsha:- Dada badan ayaa na soo weyddiiyay dhibaatada ay kala kulmayaan biyabbaxa degdegga ah, qoraalkan si fiican u akhri waxaan rajaynaynaa inaad ka faa’idaysan doonto haddii Alle idmo
Muxuu yahay biya baxa degdegga ah?
biya baxa degdeg waa xaalad nimanka ay ku biyabbaxaan muddo labo daqiiqo gudahood ah ama ka yar.
Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kale oo daraasad la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyabbaxaan inay tahay shan ilaa lix daqiiqadood.
Waxaa kalaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyabbaxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo cudurka biyabbaxa degdegga
Howsha galmada waxay u baahan tahay inuu jiro Rabitaan Kacsi iyo biyabbaxa haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa meesha yaalla.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment