Bulsha:- Iyadoo xalay magaalada Garowe hishiis ku kala saxiixdeyn dowlada federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa hishiiskaasi ka hadlay Aqoon-yahan ka faalooda Arimaha Siyaasada Soomaaliya kuna nool dalka Finland Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo banaanka soo dhigay arimo muhiim ah in la ogaado hasa ahaatee qarsanaa isagoo la hadlay War-baahinta guda.
Aqoonyahankan ayaa sheegay in heshiiskan uu noqon doono mid looga gudbi karo caqabado badan oo jiray sidoo kalena kaalin ka qaadan doono dib u dhiska dalka.
Caalim ayaa si qoto dheer kaga hadlay sed-bursiga beelaha Daarood iyo Hawiye iyo hishiisyada inta badan la kala saxiixdo ee ka dhaca muqdisho iyo Garowe waxaana uu sheegay in qorshihii beesha caalamka ee doorashada Soomaaliya uu guul u yahay hishiiskii xalay dhacay.
“Hishiiskaan waxaa uu xal u yahay dadka aaminsan qabyaalada ee muqdisho iyo Garowe waxaana uu xoojinayaa awooda dowlada federaalka oo gaari doonta horumar la taaban karo”
Caalim oo sii hadlay ayaa yiri”waxaa cadaatey Awooda beesha Caalamka gaar ahaan awooda dowlada itoobiya oo markasta ku guuleysata hishiisiinta Madaxda Soomaalida oo aan awood u laheyn in ay iyagu is xaliyaan”
“Heshiiskan wax badan buu bedalayaa, in la dhiso ciidamo qaran, in dadka Soomaaliyeed u midoobaan sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah, Puntland waxay tabaneyso hadii la xalliyo culeys badan baa xallismaya” ayuu yiri aqoonyahankan.
Maamulka Puntland ayaa diidanaa nidaam beeleedka 4.5. hase ahaatee heshiiskii habeenkii xalay ahaa dowladda Federaalka iyo maamulkaasi u dhaxeeyay ayaa lagu dhameeyay wax walbo oo ay diidaneed Puntland.
Sidoo kale Siyaasiyiin badan oo reer Puntland ayaa ah ayaa qaba in C/weli Gaas uu qiyaano yaab leh ku sameeyay shacabka Puntland isagoo ku beer laxawsaday in Puntland aysan marnaba aqbali doonin 4.5.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment