Wiilka Aan Isjecelnahay Waxuu Jecelyahay Inuu Mar Walba Ila Baashaalo

Bulsha:-  Asc,  magaceygu waa nasteexo, waxaan rabaa inaad ila talisaan. wiil ayaan is jecel nahay. waana kulanaa marka aan kulano wuxuu jecel yahay inuu ila bashalo. bashaalka ma ahan mid bikro nimadayda wax u dhimayaa laakiin.Wuxuu jecel yahay inuu i salsalaaxdo oo mac iga siiyo afka waana u shegey inaanan ka helin arimahaas. Aniguna kama maarmo hadii aan cayrin lahaa….plzzz iila taliya.

Talo celinay bahda Qurbo Magazine ay u jeedinayaan gabadhaan

Wcs walaal wiil inaad jeclaato ama lagu jeclaado waxa ka wayn oo aad iyo aad uga sii qiimo badani waa naftaada, karaamadaada, sharaftaada, ixtiraamka naftaada, waxaasoo dhana waxaa kasii wayni waa xukunka Ilaahay iyo dariiqiisa oo laraaco. Waxaad sheegtay inaadan ka maarmin wiilkan, hadiiba ay heerkaas kaa taagan tahay maad guursatid walaal inta aad xaaraanta ku dhacaysaan hadiiba aydan naftiina hanan karayn.

Arinta ah bikradayda waxba uma dhibayso, walaalo bikradii ayaa kaala waynaatay miyaa qiimihii ay lahayd Nasteexo, walaalo sow ma ogid bikradan kaala waynaatay sharaftaadii inay tahay wax daqiiqado gudahood ku baaba’a, sharaftaaduse waa ta waligaa kula joogaysa aduun iyo aakhiraba.

Bikradu kaliya maaha sida ay dadka badan koodu u fahansanyihiin xubinta yar ee jidhka gabadha ku taala kaliya inay tahay, bikradu intaas way ka wayn tahay walaal, bikranimadu waxa weeye walaal jidhkaaga inuuna nin wali taaban, taabashadaas oo looga jeedo inuuna nin ku dhunkan, ku salaaxin, inuuna nin dareenkaaga gaadhsiin heer aad u dhawaato inaad isu wada dhiibto.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment