War Deg Deg:- Weerar Dhicisoobay oo ay Laba Gabdhood ku Qaadeen Booliska Turkiga (VIDEO)

Bulsha:- Laba Gabdhood oo aan si fiican u tababarnayn ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen gaari bas ah iyo saldhig booliska uu ku leeyahay magaalo yar oo u dhaw magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in gabdhahani hubeysan ay soo qaateen gaari taksi ah, kadibna ay ku war galiyeen inuu meel istaago darawalkii, markii ay ka dagteen gaariga ayay bilaabeen weerar xabado iyo bambaano ku bilowday.


Gabar ka mid ah gabdhihii oo bambaano ku tuurtay gaari bus ah oo ay ciidamo saarnaayeen ayaa la sheegay inaysan Bambadii qarxin, xitaa muuqaalka Video’ga ayaad ka arkaysaa in gabdhahani aysan tababarnayn, waxayna kadib galeen guri ka dhawaa goobta uu falka ka dhacay.

Booliska ayaa hareereeyay gurigii ay ku jireen, is rasaaseyn yar kadib ayaa boolisku sheegay in labada gabdhoodba ay ku dhinteen howlgalkii.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment