Bulsha:- Ruux kasta ee bini aadam ah wuxuu leeyahay kriteria ( criteria ) u gaar ah oo ku xushta gabadha uu la wadaagayo noloshiisa, inkastoo laga wada simaneen qaabka ay ragga wax ku xushtaan waxaa jiro wax yaabo ay ka siman yihiin ragga markii ay timaado xulushada gabdhaha, hadaba warka.aduun.com oo ah shabadka isku taxluujisa isku soo dhaweenta bulshada ayaa idiin soo gudbin doonta wiilasha gabadha ay rabaan in ay helaan, qormadaan waxaa qalinka u qaatay iskuna soo duba riday qoraa sare Daalac Daahir Shoot.
1. Gabar Hool Kar Ah (Quality leh)
Gabadha markii ay tahay gabar hool ka har, dadaalkeeda iyo wax qabadkeeda uu yahay mid muuqda ama la taaban karo kuna firfircoon shaqada guriga, waajibaadka u harsan iyo waajibaadka aysan wali qaban maanka ku heeso waa mid ay wiilasha aad u doonayaan, raga waa kuwa aad u jecel gabadha waajibaadka gurigeeda ka soo baxda, gabadha caajiska iyo wahsida badan wax qabadkeeda uusan laheen wax tayo ama hoosha gurga qabata ilaa looga sheego waxa looga baahan yahay waa mid ay ragga is qabtaan maxaa yeelay raga inta yar ay guriga joogaan waxay jecel yihiin in loo adeego ama helaan wax diyaarsan.
2. Gabar aan la dawaafsan karin (Gabar markasta iska raacda dan la aan gabdhaha kale)
Waxaa jiro dumar u nugul in ay gabaaan shaqada gurigooda waayo kuma nagaadaan guriga waa kuwa waqti la qaata gabdha aan ku dan aheen waana kuwa ugu badan ee nolosha gurigooda isku dhex daadsantahay, gabadha guri joogta ah aan la dawaafsan karin waa mid ay ragga aad u jecel yihiin.
3. Gabar Maskaxiyan Madax Banaan (aan tashwiish lagu furi karin)
Dumarka waa kuwa inta badan isi saameeya kalana shidaal qaata, dumar waxaa jiro noloshooda ku saleeya wax ay gabar kale ka soo aragtay iyada oo aan qiimeen waxa ay gabar kale ka soo aragtay in ay tahay wax ku munaasab ah nolosheeda, dumarka ayaa u nugul in la shitaaro balsa waxaa jiro gabdho intaasba ka madax banaan caqligooda furan yahay sida lagu saameeyo ay adag tahay, gabadha aan la saameen karin caqligeeda u gaarka yahay waa mida ay ragga aadka u rabaan.
4. Sabar iyo Dulqaad Leh
Inkastoo dumarka Soomaalida ay yihiin kuwa ugu sabarka badan dad yowga kale ee caalamka marka la eego wax yaabaha qaar sida ay ugu dulqaadanayaan iyo dhabar adeega ay leeyihiin dumarkeena hadane ragga markasta waa midkii raadiyo gabar dagan oo dulqaad leh, gabadha hadii ay dulqaad laheen sabarkeedu uu yahay mid aad u liita, waxaa suurta gal ah in ay hesho furiin hadii aysan helin iyada nin iyada u sabra.
Intaas oo sifo uu kor ku soo xusay qoraaga Daalac Daahir Shoot way qeyb kamid wax yaabaha ay raga ka doonayaan ama ku xushtaan gabadha inkastoo ay jiraan raga qaar kuwa ku xushta dumarka qurux balsa waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan inta aan kor ku soo xusay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment