Video:- Saqajaankii Obama Ahaa oo Islaantiisii Nin ku wareejiyay isna Gabadh yar qoob ka ciyaar kula baashalaya

Bulsha:-  Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa mar kale soo jiitay indhaha dadka kadib markii laga dalbaday inuu ciyaarta qoob-ka-+=ciyaarka caanka ah ee TANGOO loogu yeeray inuu la ciyaaro haweeney ka mida kuwa ciyaartaasi ku dheereeya, isagoo kadibna cagajiid ku aqbalay xaflad casho ah oo ka dhacday Arbacadii Xalay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentin-a oo socdaal rasmi ah uu ku joogo.




cashada waxaa u sameeyay madaxweyne Obama iyo xaaskiisa, madaxweynaha dalka Argentine Mauricio Macri. Inta aanay xaaladan ku dhicin Madaxweyne Obama, waxay Obama iyo xaskiisa daawadeen lamaanayaal ciyaartan si heer sare ah ugu soo bandhigay marti sharafta horteeda, kadibna mid kamida haweeneyda ciyaartaasi ayaa u tagtay madaxweyne Obama oo fadhigiisa uga codsatay inuu la ciyaaro iyadoo gacanta u taageysa.

Madxaweyne Obama oo is celis kooban ka timid soo istaagay oo gacanta ku dhigtay haweeneydaasi ciyaarta Tango sida weyn ugu xirfadeysa, waxaana halkaasi ka dhacay ciyaar dadka soo jiidatay oo daqiiqad ku dhowaad socotay oo madaxweyne Obama isa soo bandhigay inuu aqoon ilaa heer ah u leeyahay qoob ka ciyaarka Tango.

Inta ciyaarta madaxweyne Obama iyo haweeneydaasi dhex martay oo indhaha caalamka soo jiidatay waxaa barbar socday ciyaar kale oo Michele Obama iyo nin ka mida kuwa ciyaartan yaqaana ka dhex socotay, laakiin indhaha oo dhan waxay ku sii jeedeen Obama, dhaqdhaqaaq iyo isla jimcsi socday muddo kooban kadib waxaa la joojiyay miyuusikii waxaana dhammaatay ciyaartii iyadoo sacab badan u dhacay madaxweyne Obama.
Saxaafadda caalamka ayaa si weyn u hadal heysay qisada madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ku qabsatay guriga Madaxtooyad ee magaalada Buones Aires, waxayna intooda badan ku sheegeen madaxweynaha inuu ka baxsaday xaaladaas adag oo soo wajahday.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment