Siyaaradii 36-aad ee Aaba Sheekh Muxuddiin Celi oo lasoo gunaanaday: Sawirro

Bulsha:- Waxaa Mowlaca Sheekh Muxuddiin Celi oo ku yaal isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan lagu soo gunaanaday siyaaraddii 36-aad ee caalamkii weynaa Sheekh Muxuddiin Celi, taasoo socotay in mudo ah.

Gunaanadkii siyaarta ayaa waxaa kasoo qeybgalay mashaa’iq kala duwan, xertii ka aflaxday mowciisa, jamaahiirta Ahlu Sunna oo ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo bannaanbixii siyaarada kusoo bandhigay xadrooyin iyo qasiidooyin alle bari ah.


Sheekh Muxuddiin Celi, wuxuu ka mid ahaa mashaa’iqda Soomaaliyeed ee la xormeeyo, lana xaq dhowro, waxaana lagu tixgeliyaa madarasadaha iyo intii ka aflaxday mowlaciisa.

Ururka mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa sanadkii 2010 waxay faageen qabrigii uu ku aasnaa Sheekh Muxuddiin Celi iyo mashaa’iq kale, waxayna burburiyeen dhismihii mowlaca isgoyska Sanca ku yiilay, waxayna joojiyeen siyaarooyinka lagu xusuusan jiray culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee la xushmeeyo.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment