Ra’isul-wasaaraha oo saxiixay olole ka dhan ah gudniinka FGM-ka

Bulsha:- Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid ayaa ku biiray  in ka badan hal milyan oo qof oo si Online ah u saxiixay codsi la xiriira in la mamnuuco gudniinka FGM.

Ifraax Axmed oo ah Haweeney Soomaali u ololeysa Joojinta Gundiinkaasi ayaa u sheegtay Barnaamijka the BBC’s Newsday programme inay ku guuleysatay inuu Ra’isul-wasaare Sharmaarke saxiixo Ololahaasi oo ay wadaan Kooxda Avaaz.

Waxay tilmaamtay inay tani caddayn u tahay dhaqaaqaasi, iyadoo ay jiraan dad badan oo ku nool Somalia oo si furan uga hadli karin Arrimaha mamnuucista Gudniinka FGM.

Ifraax Axmed waxay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Sahro Maxamed Cali Samantar ayey kala shaqeynayso sidii loo qori lahaa Sharci Qabyo ah oo horseedayo in Gudniinka FGM lagu mamnuuco guud ahaan Somalia.
Wasiir Sahra Samantar oo iyadana la hadashay Barnaamijka The BBC’s Newsday programme ayaa ku tilmaamtay Tallaabadda uu Ra’isul-wasaaruhu ku taageeray mamnuucista FGM xaqiijin weyn u tahay dadaalka loogu jiro in la ansixiyo Sharcigaasi.

Axdi-qarameedka KMG  waxa uu ka soo horjeedaa FGM-ka, inkastoo aysan Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka weli ansixin Sharci lagu mamnuucayo Dhaqankaasi Guracan ee khatarta ku ah Nolosha Malaayiin Gabdho iyo Haween Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF, waxay ku qiyaastay in ka badan 90% gabdhaha Soomaaliyeed in lagu sameeyey Gudniinka FGM, waxayna hay’addu ka digtay inuu gudniinkaasi xanuun saamayn dheer leh ku yeelanayo caafimaadka jirka iyo Maskaxda ee Gabdhaha lagu fuliyo Gudniinka Fircooniga ee FGM.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment