Qarniga Aynu Joogno Nooceeda Oo Kale Lama Arag Gabadh Lamidana Waa Dhif….

Bulsha:- Wuxuu yidhi nin taabici ah : gabadh ayaa cibaado badnayd  habeenkiina may seexan jirin salaad iyo quraan akhris ayay ku soo jeedi jirtay maalintii danbaa la canaantoo lagu yidhi: maxaa ku kelifay naftaada ha dhibin ee habeenkii seexo oo iska daa soo jeedka.

Waxay tidhi: waxaad ila jeceshihiin inaan seexdo laakiin hurdo badan waxay iiga horaysaa qabriga, cid waliba hurdo badan maka heli doonto qabriga ee waa inta muuminiinta ah ayay tidhi ee aduunyadii ku soo jeeday cibaadada Alle swt.

Walalayaal gabadhaasi miyeysan tusaale u aheyn gabdhaha kale ee soomaalida ah isku day in aay badato cibaadadaada  si ALLAAH qabriga dhibkiisa kaga yareeyo

Illaahow khayrka na waafaji qabrigana nooga dhig raaxo oo cadaabka naga ilaali








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment