Qancinta Sariirta Lagu Qanciyo Darmanta Waa Udub Dhaxaadka Hanaanka Degan Ee Rearka..

Bulsha:-  Marka ugu horeysa in natiijo fiican laga gaadho qolka sariirtra ayaa waxa muhiim ah in naagta…..Baasheynta dhunkashada iyo salaaxa ma aha in ay noqoto mid marka sariirta kor keeda oo kaliya la isku arko la sameeyo.

Laakiin waa in ay ahaato mid tusaale ahaa la sameeyo subaxdii marka la kala tagayo oo shaqo iyo arimo kale la aadayo. Taas oo xaasjaaga ku bilaabaysa in ay ayada oo dareen kuu qabta shaqadeeda aado.

Faa’iidada ku jirta dareenka aad ku tustay dhunkashada iyo salaaxida ayaa waxa ay kuu arkaysaa in aad tahay mid markasta xaaskaaga raba oo jecl. Halkaasna waxa aad ka arkaysaa natiijada ka soo bixi doonta.

Dareenka jirka dumarka.
Jirka haweenka waxa uu leeyahay meelo aad u dareen badan, laakiin nasiib daro lama ay soo dhalan haweenku buug ay ku qoran yihiin meelahaasi. Markaa waxa haboon in aad baadhitaan ku samaysid si aad u hesho meelaha xaaskaagu ka leedahay dareenka badan. Sida ay u muujiso dareen ayaad ka fahmaysaa in ay ku raaxaysanayso.

Markaas ayaa waxa aad ogaanasysaa in aad wado fiican cagta saartay. Qalabka aad adeegsanaysaana si aad u hesho meelahaa aad raadinayso ee dareenka badanina waa dibnahaaga, carabkaaga, farahaaga iyo gacmahaaga. Natiijaduna waxa ay noqonaysaa hooba hoo bay leedahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment