Bulsha:- Deeipka Padukone ayaa si xarago leh ugu raaxeysatay heesta Ping ee filmka Bajirao Mastani, taasoo ay kula jirto Priyanka Chopra.
Ma rabtaa inaad ogaado sirta ka danbeysa in Priyanka Chopra iyo Deepika ay si fiican jaanta isula qaadaan Heesta Ping ee ku jirta Filimka Bajirao Mastani..waa iska cadahay waa xiriir soo jireen ah oo labada Jilaa kasoo dhaxeeyay tan iyo markii ay Deepika kusoo biirtay Bollywood-ka markaasoo ay soo dhaweyday Priyanka Chopra oo iyaduu kaga horeeysay dhinaca Jiliinka Filimada.
“Priyanka waxay ahayd saaxiibka koowaad ee halkaan igu soo dhaweeyay” ayay tiri Deepika, waxayna sii raacsiisay, “Waa xidig aad u weyn oo aan halkaan kula soo biiray, waxay ahayd saaxiibtii kowaad ee aan halkaan ku yeesho, aad ayaana ugu raaxeeysanay Heesta Ping” ayay tiri Deepika Padukone.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment