Maxkamadda Nairobi oo dil ku xukuntay nin Al-shabaab ka tirsan: Sawirro

Bulsha:- Maxkamadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab isla markaana weeraray baar lagu caweeyo oo ku yaal magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Thabit Jamaldin Yahya ayaa sanadkii 2012-kii weerar bambaano ah u geystay baarka Bella Vista Club, waxaana ku dhintay haweeney ilaalo ka aheyd, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Garsooraha maxkamadda Martin Muya ayaa maxkamadda horteeda ka akhriyay caddeymo muujinaaya in Thabit oo 35 jir ah uu geystay weerarkaasi.

Waxaa kaloo Thabit ay booliska ku sheegeen in uu qabo tababar adag oo uu kusoo qaatay dalka Sacuudi Carabiya.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment