Bulsha:- Maxkamad kutaala dalka Belgium-ka oo gacanta ku heysay Kiiska dambiyada lagu soo eedeeyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Macalin Adan Tiicey iyo Hogaamiyihii hore ee Burcad badeeda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne).
Maxkamada ayaa dhageesiga dacwada labadan nin loo heestay kadib waxa ay ugu dambeyn go’aan ka gaartay kiiskan waxa ayna xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday Hogaamiyihii Kooxda Burcad Badeeda iyo Madaxweynihii hore ee Ximin iyo Xeeb.
Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne),ayaa maxkamada waxa ay ku riday 20-sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay in uu wax ka maleegay qorshihii lagu afduubtay Markab laga lahaa dalka Biljamka oo lagu magacaabo Pombei oo la afduubtay sanadii 2009-kii , waxaana markabkaasi lagu sii daayay lacag Madax furasho ah.
Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay Afweyne in uu bixiyo lacag dhan €20,000 oo lacgta EURO ah oo la siinayo kabtankii waday Markii la afduubtay, fadhiga Maxkamada ayaana la sheegay in Afweyne ka maqnaa marka xukunka la ridayay, waxa uuna fursad u heestaa in uu racfaan ka qaato xukunkan.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb ee magaalada Cadaado Maxamed Macalin Adan Tiicey, ayaa isna lagu xukumay 5-sano oo xabsi ah , waxaana ninkan isna Maxkamada ku heshay in uu ka qeyb qaatay Howlgaladii Afweyne intii uu horboodayay Kooxaha Burcad badeeda.
Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), ayaa horey u shaaciyay in uu ka baxay Burcad badeeda Soomaalida, waxaana sanadii 2013-kii isaga iyo Madaxweynihii hore ee Ximin iyo Xeeb la geeyay dalka Biljamka, waaana la sheegay in Afweyne ka qeyb galayo Filim laga sameenayo Burcad badeeda, inkastoo qorshahaasi uu ahaa mid lagu siray laguna doonayay in lagu xiro.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment