Marwo Zeynab Laba Dhagax Oo Codsatay In Heesaheeda Aan La Dhageysan Fariin Muhiim Ahna Hawada Soo Dhigtay..

Bulsha:- Fanaanadii hore Zeynab Laba dhagax ayaa codsi u dirtay dhamaan bulshada soomaaliyeed ee jeceyl dhageysi heesaheeda iyo kuwa tv-yada, radios-ka sii daayo heesaheeda.

Ayadoo codsatay ruuxii masixi karo inuu masaxo heesaheeda codsigeedana wuxuu u dhignaa sida tan

ASC Family and freinds Alxamdulilah Waan iska Nabad Qabaa, Laakiin Codsi Ayaan Wataa, Codsigaas oo ah mid idnka gacantiina ku Jira oo ah wax aad ii Awoodaan, Walaalayaal hada in Mudo ah Heeso waan ka tanaasulay inaan ku Shaqeysto oo Ilaah dartii ayaan uga Haray, Waxase Wali ju Jira Internetka Heesahaygii marka Waxaan jeclahay in aan la i Daawan, OO Waxa Kale oo Codsigu ku SocdaaUniversal Tv, Royal Tv, SNt, Somalida Etobia Tv, Somaliland Tv, Horncable Tv inta Radio oo laga saaro iyo inta Tv wey badan yihiin ma wada Aqaano Magacyadooda, oo dadka Video yada iney Download gareeyeen Account soo gashadey iney iyaguna Ilaah dartii iiga Masxaan oo ay iga Cirib Tiraan madaama an mar walba ku dadaalo in aan Ajar Shaqeysto oo Ilaah Dambi Dhaaf Weydiisto Ajarkeyga ayey iga Yareynayaan, Waad wada Mahadsan tihiin dhamaan, Ilaahey kuwa xaqa ku Dhaqma iyo Wixii Ale ka raali Yahay Hanaga Dhigo hana noo Wada Danbi Dhaafo, Love you all


Shabakada kobciye.com ayaa aad ugu faraxsan codsiga Marwo Seynab go’aanka muhiimka ah aay qaadatay oo aay hirgelisay waxaana rajeyneynaa iney wado u noqoto dumarka kale ee fanka ku dhex jiro..








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment