Bulsha:- Atariishadda caanka ah ee Hollywoodka “Jennifer Lawrence” ayaa mar kale ku dul kuftay sijaayada gaduudan , xilli ey xayisiineysay filimkeeda cusub ee ‘The Hunger Games: Mockingjay Part 2, magaalada Madrid ee dalka Spain.
Marki ugu horeysay ee arintaani ku dhacdo maaha Jennifer Lawrence, waxeyna dhowr jeer kuftay eyadoo ka qeyb geleysa xafladda amaalmarinta lagu bixiyo ee Oscar.
Atariishadda oo qaab qurux badan uga soo qeyb gashay xafladda, ayaa mar kale ka yaabisay taageera yaasheeda, oo qaarna daawanayeen kuftinteeda, qaarna loo gudbiyay, waxaana dadka qaar ey ku noqotay filin waa in mar kale Jennifer Lawrence ku dul dhacdo sijaayada dusheeda.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment