Daawo:- Qalbi Labo Ruux Ma Wada Qaado Somali Film Daawasho wDhacdo yaab badan oo xalay saqdii dhexe ka dhacdey Garoowe

Bulsha:- Ciidanka Ammaanka magalada Garowe ayaa xalay kala bar saacaddu markay ahayd waxay qolka ay ka degan tahay Hotelka Sharaaqia kala baxeen Fatima Yousuf Taxadar oo ka mid ah wariyaashii Bosaso uga yimi Dhismaha mamulka sare ee MAP.

Lama sheegin ilaa iyo hadda sababta ay ku xiran tahay Taxadar balse inta ay joogtay Garowe ayaa waxaa waraysi la yeeshay VOA oo ka waraysanaysay ciidankii caraysnaa ee saacadaha gacanta ku hayay Telefeshinka Puntland.

Hotelka waxay isla deganaayeen Fatima Taxadar labo wariye oo la kala yiraahdo Khadro Degan oo Puntland Tv ka tirsan iyo Cabdinaaasir Daacad oo Kalsan Tv ka tirsan , Daacad ayaa inoo sheegay inay ciidanka waydiiyeen sababta ay u kaxaysanayaan balse ay xitaa iyagana ku dareen balse markii danbe sii daayeen.

Gudoomiyaha cusub ee MAP Faysal Khaliif Barre iyo wariyayaal kale ayaa wada xal lagu siidaynayo Taxadar waxayna u badan tahay inay ka hadlan qaabka xalay loo xiray Fatima Taxadar.


Waa wariyihii ugu horeeyay oo Garowe lagu xiro tan iyo markuu xukunka qabtay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.Madaxwaynaha Puntland.acan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment