Daacish:- oo haweenka Yaziidiyiinta siiya Daawo looga hortago uurka

Bulsha:- Wargeyska New York Times, ayaa daabacay in kooxda ISIS ee isku magacaawday (Doowlada Islaamiga), ay haweenka Yaziidiyiinta ee ay xooga ku haystaan, ku qasbaan ineey qaataan daawooyin Uurka looga hortago, si ay dagaalyahanadooda Jinsi ahaa u isticmaalaan oo keliya.

Wargeyska New York Times, oo wareysi la yeeshay 35 Haween Yaziidiyiin ah oo kasoo cararay kooxda, ayaa waxay u sheegeen in lagu qasbi jiray ineey qaataan Cirbado ama kaniiniyaal kahortaga Uurka.

Kooxda ISIS ayaa si xoog ah ku haysata Haween badan oo u dhashay qowmiyada Yaziidiyiinta, halka sidoo kalena ay laayeen dhamaan ragga u dhashay qowmiyadaas.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment